Lionel Messi: Kulankii Peru Waxa Uu Ahaa Dagaal Ee Ma Aheyn Kubad La Ciyaarayo.
Lionel Messi ayaa sheegay in kulankii ay Argentina barbaraha 1-1 la gashay Peru ee isreebreebka koobka inuu ahaa dagaal oo uusan aheyn kubad.
Gool uu dhaliyay Gonzalo Higuain ayaa barbareeyay gool uu hogaanka Peru ugu dhiibay Carlos Zambrano, lakiin inta badan ciyaarta Messi kuma uusan dhex muuqan.
“Garoonka nama uusan caawinin, kubad taabasho ah laguma ciyaari karin, lakiin taasi ma ahan marmarsiiyo” ayuu Messi u sheegay suxufiiyinta ka dib ciyaartii ka dhacday Lima.
“Waxa ay aheyd ciyaar adag oo u badneyd dagaal halkii ay ka ahaan laheyd kubad la ciyaaro, lakiin ciyaaraha sidaan oo kale ah ee aad booqashada ku joogta waa sidaan inta badan, waana inaad xooganaan muujisaa.
“Waxa aheyd natiijo niyad wanaag leh madaama aan weli hogaanka heyno, waana inaan badinaa ciyaarteena soo socota ee Uruguay.”
Peru ayaa ka dhabeysay balanqaadkoodii ciyaarta ka hor oo aheyd inay Messi si aad ah u xiran doonaan, taasoo keentay in Messi uu muuqan waayo.
“Waxa ay aheyd sida ay qorsheeyeen, sidaas ayayna doonayeen, sidaasi oo ay tahayna guuldarro nama aysan soo gaarin.
“Waxaan jeclaan laheyn inaan badino, lakiin muhim ayayna aheyd inaan guuldarro ka fogaano, barbaro waa iska ok.” ayuu yiri Messi.