UNIVERSAL TV oo shacabka Soomaaliyeed si wanaagsan ugu shaqeysay
Sida aan wada ognahay Universal Tv waa Tv-ga ugu horeeya ugu dhax dhaxaadsan uguna tayada fiican marka loo eego Tv-yada Soomaalida hadaba waxaa maalmihii ugu dambeeyay laga dareemayey in ay ku talaabsanayaan horumar aad u weyn taasoo ah dhanka aragtida kalarada kala duwan & studio-yada kasoo muuqanaya shaashada.
Maalinkii doorashada madaxweynaya Soomaaliya ayaa waxaa mar kaliya kasoo muuqday Universal Tv oo hada isku badashay 24 saac muuqaalo aan weligeed laga arag ay Soomaali
leedahay muuqaaladaas oo ah studio-yo kala duwan oo kalarkooda & Muuqa wariyeyaasha oo loo maleynayay inaad taaban karto.
Hadaba waxaa su'aal ah yaa ka shaqeeyay oo isku tax lujiyay in la daawado muuqaaladaas dadka ka yaabiyay.
Cabdala Mudhir oo ah madaxa farsamada ee Universal Tv & kooxdiisa farsamada ayaa la sheegay in aysan seexan laba maalmood maalinkii doorashada kahor.
Kooxda farsamada Universal Tv oo si hagar la'aan ah u muujiyay dadaalkooda soona bandhigay wax cajiib ah ayaa waxa ay kala yihiin:-
Cabdala Mudhir oo ah Madaxa Farsamada
Axmed Daahir
Cabdi Qani Ba
Aadan A.J
Abukar Mahdi
Maxamed Biibaaye
Jibriil M. Jibriil
Ugu dambeyntii waxaa mahad gaar ah mudan Eng: Ahmed Abubakar & walaalkiis Xamduun Abubakar oo hirgaliyay shaashadan Soomaali oo dhan ay iska daawatay.