SHABAAB
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Maxaad kala Socotaa Sababaha keenay in Sheekh Shariif waayay Codadkii Baarlamaanka uuna ku fashilmo.....
Waxaa soo baxaya Warar ku aadan sababihii fashilka ku keenay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed mar kale la dooran waayo uuna ku fashilmay Doorashadii Madaxweyne ee habeen hore Muqdisho ka dhacday.

Sheekh Shariif waxaa la sheegay in dhoor arimood oo is biirsaday ay ku keentay fashilka waa mida Koobaad Saaxiibkiis Hore ee Shariif Xasan oo balantii uu u dhigay uga baxay iyo mida kale Ragii taageersanaa oo Shariif Xasan dartiis kalsoonidii kala laabtay Sheekh Shariif iyo mida Sadaxaad oo aheed in uu damacsanaa in uu Raizuil Wasaare ka dhigo Shaqsi aan Beesha Daarood kasoo jeedin.

Waxaan Xog ku helnay in Sheekh Shariif uusan hal cod xitaa ka helin Beesha Daarood Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ugu jira sababo lala xariiriyay in Sheekh Shariif iyo Mahiga ku heshiiyeen in Raizul Wasaare uu ka dhigo Sheekh Shariif hadii uu soo baxo Nin kasoo jeeda Somaliland si ay u fududaato wadahadalada lala galay Soomaaliland qeybna uga noqdaan Soomaali Weyn.

Markii ay Warkaasi uu si hoose usoo baxay ayey Go’aansadeen Xildhibaanada beesha Daarood iyo Xulufadooda in ay arintaasi kahor tagaan ayna daaqada ka saaraan Sheekh Shariif si aysan u weyn kursiga ay awood qeybsiga ku lahaayeen hadii ay waayaan Madaxweyne si ay u helaan ugu yaraan Raizul Wasaare.

Arintaasi ayaana Sheekh sahriif fashil ku keentay in Xildhibaanada Beesha Daraood iyo Xildhibaanadii horey siyaasadiisa u dhaliilsanaa iyo kuwii Shariif xasan kula caloobay ay codkooda siiyaan Musharax Xasan Sheekh oo jufo ahaan Sheekh Shariif is xigaan ayna u arkeen in uu yahay Ninka kaliya ee meesha looga saari karay Sheekh Shariif weyna dhacday taasi.

Guuldarada kale ee Sheekh Shariif soo wajahday waxaa qeyb ka ahaa balan ka bixii Shariif Xasan ee ku aadanaa in codadka taageerayaashiisa loogu shubi doono Sheekh Shariif hasa ahaatee waxaa soo baxday in Shariif Xasan uusan arintaasi ka dhabeyn taakana u dhigay , taa badalkeedana uu codkiisa siiyay Musharixii kale si meesha uu uga baxo Sheekh Shariif kol hadii uu isna ka baxay daaqada.

Arimahaas iyo arimo kale oo isbiirsaday ayaa loo aaneay in Sheekh Shariif si weyn ugu Fashilmo doorashadii dhacday codad badana looga guuleesto ,inakstoo markii dambe madaxweynaha muujiyay dareenkiisa uuna sheegay in uu ku faraxsanyahay in laga guuleestay lana shaqeyn doono Dowlada Cusub iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,959,683 unique visits Top