MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Farmaajo oo laga Yaabo In uu Raizul Wasaare Cusub Ka Noqdo Dowlada Cusub Sida Qorshahu Ahaa Doorashada Ka Hor
Waxaa soo baxaya Warar ku aadan Cida noqon doonto Raizul Wasaaraha Xukuumada Cusub ee Soomaaliya inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin oo arintaasi jeebka Madaxweynaha ay ku jirto cidii uu u gartana u dhiibi doono.
Kahor Doorashada Madaxweynaha waxaa jiray is xulufeesi u dhaxeeyay Musharixiin dhoor ah oo ku heshiiyay in mid kamid ah Isbiheysigaas Guusha loo doono hadii ay dhacdo in ay codadka ku kala horeeyaan, Xasan Sheekhna Codka ugu wada shubaan hadii uu kusoo baxo Wareega hore si ay meesha uga saaraan Sheekh Shariif.
Xulufadasi waxaa ku jiray qeyb weyna ka ahaa Raizul Wasaarihii Shacbiyada Badnaa ee Farmaajo waxa ayna labada Dhinac ku heshiiyeen hadii Xasan Sheekh uu Madaxweyne kusoo baxo in Farmaajo mar kale laga dhigo Raizul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.
Balantaas ayeyna labada dhinac wada gaareen kahor doorshada lamana oga in uu isbadal hada ku yimid ,waxaana xusid mudan in Farmaajo shalay Prof Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya uu ku booqday Hoteelka uu dagan yahay si uu ugu hambalyeeyo.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Puntland ay mar kale dooneyso in Raizul Wasaraha soomaaliya laga dhigo nin deegaanadaasi kasoo jeeda gaar ahaan Majeerteen ah maadama ay iyaguna isbaheysiga qeyb ka haayeen oo Codadkii C/Wali Gaas uu ugu shubay Xasan Sheekh Maxamuud.
Faroole iyo Gaas ayaa dadaal badan ugu jira in ay Helaan Raizul Wasaaraha Soomaaliya loona dhiibo nin Deegaanka Puntland ka turjumaya hadii ay waayaana ay bilaabi doonaan luqaafo iyo in ay Kalsoonida kala laabtaan Dowlada Cusub.
Farmaajo waxaa kaliya oo laga cabsi qabaa in Raizul Wasaaraha Soomaaliya ku weyn karo ayaa la sheegay in ay noqon karto Culees Beesha Caalamka kaga timaad ayan raali ka noqon in Mar kale uu Dalka Raizul Wasaare ka noqdo.
Farmaajo waa Nin sumcad badan ku leh Buslada Soomaaliyeed gudaheed waana nin ay aad u jecelyihiin Shucuubta kala duwan hasa ahatee waxa ataasi badalkeeda aan jecleyn Dowlado Daris ah iyo Beesha Caalamka oo kasoo horjeeda in uu wax noqdo nin ay jecelyihiin Shacabkiisa.
Raizul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa la amainsan yahay in uu noqon karo Raizul Wasaaeaha Cusub balse uu taasi ku weyn karo kaliya in Balantii loo dhigay looga baxo ama Culees uu kasoo wajaho Beesha Caalamaka ,Dowlada Cusub ayaana noqon doonto mid taageero badan umada ka hesha hadii Farmajao mar kale kasoo dhax muuqdo.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,577,404 unique visits Top