Maxamed Xasan Xaad Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo isagoo lahadlaayay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Dalka Soomaaliya uu waxbadan ku soojiray dagaal islamarkaana aan hada loobaahneen dagaal taas oo uu ku micneeyay in Dalka uu yeeshay Dowlad Cusub taas oo aan aheen KMG oo ay tahay Dowlad rasmi ah.
Isagoo hadalkiisa siiwada ayaa waxa uu baaq u diray Al-Shabaab waxaana uu ugu baaqay in ay hubka dhigaan oo ayna kamid noqdaan sida uu tilmaamay Dowlada Cusub sida uu yiri uu Dalka hormar u gaaro.
Dalka waxaa loosoo dhisay Dowlad cusub waxaana loo baahan yahay in Dowladaan ay dhinac karaacaan Al-Shabaab sida Dalka uu udago uuna u noqdo mid xasiloon sidaasi waxaa yiri Xasan Xaad.
Ugu danbeentii waxa uu sheegay Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad in Al-Shabaab awoodoodii hore eysan hada laheen oo ay wiiqantay sida uu hadalka u dhigay islamarkaana loobaahan yahay in ay lamidoobaan Dowlada cusub sida uu hadalka u dhigay.
Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Shabaab ay siiwadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM Dowlada cusubna ay ladagaalami doonaan waa sida lagu sheegay Bayaanka ka soobaxay Al-Shabaab.