Wiil somali oo laga qaaday sharcigiisii wadanka ingriiska loona diiday inu ku noolado wadankaasi kadib marki uu diiday inuu la shaqeeyo hay'ada sirdoonka MI5 ee wadanka ingiriiska
Wiilkaan Oo lagu magacaabo Mahdi Xaashi ahna 23 jir ayaa la rumaysanyahay Inuu ku Jiro xabsi ku yaala wadanka Djibuuti.
mahdi ayaa booqasho wuxu ku ku aaday wadanka somalia, intuu ku sugnaaa dhulkiisi hooyo ayuu ka war helay in dowlada ingriiisku usoo jeedisay eedamo inkastoo an loo cadayn waxa lagu haysto ama lagu eedayay. markii uu kuso laabtay magaaalada london ayaa garoonka Heathrow waxa kula kulmay waxdaa sirdoonka ee UK ee loo yaqaan MI5 waxayna ku dhaheeen in eedaymaha iyo tuhunka laga qabo laga qaadi doono hadu la shaqeeyo hay'daasi inkastoo uu Mahdi ku gacan sayray arinkaasi taasna ay sabtay in laga xayuubiyo baasboorkiisii loona diido inuu so galo ama mar dambe uu ku noolaado wadanka Ingiriiska.
Mahdi iyo qoyskiisa aya waxay so galeen cariga ingiriiska asigo 5 jir ah ayoo kaso qaxay soomaalia.
2009 ayuu Mahdi wuxu aaday dalka Djibuuti si usoo boqdo ayeeydiis oo xanuunsanayd balse marki uu gaaray dalkas ayaa laga soo celiyay garoonka diyaardaha e magaldada Djibuuti ayado loo diiday in galo wadankaasi ayna u sheegeen in amarka celinta uu ka yimid london. mahdi inuu la kulmay nin ka tirsan hay'ada MI5 ayooga u sheegay hadu rabo inuu in loo ogaaldo safirkiisa lagana daaayo eedaymaha loo soo jeedinayo wa inuu la shaqeeyo hay'adaasi.
Waalidiinta wiilkan dhalay kaltuun iyo xaashi ayaa aad ooga walaacsan xaaladiisa ayagooona sheegay inay isku dayeen inay xabsiga djibuuti kasoo saaran balse ay u suurta gali waysay.