MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Golaha Wasiirada oo lagu dhawaaqayo iyo Magacyo hordhac ah oo aan helnay
Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr Saacid Faarax Garaad ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada.

Warar aynu ka helnay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo Aqalka Madaxtooyada ayaa sheegaya in 48 saac gudahood lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada.

Waxaa soconaya latashiyadii ugu danbeeyay, iyadoona warar aynu ka helnay Madaxtooyada ay shegayaan in maanta ay kulamo yeesheen sedexda masuul ee dowlada ugu sar sareysa.

Dad badan ayaa saadaalinaya in xukumada cusub ay noqon doonto mid lagu arko wajiyo cusub.

Hase ahaatee dad la rumaysan karo ayaa inoo sheegay in xubno katirsanaa xukumadii Dr Gaas ay ka dhex muuqdaan dadka lasaadaalinayo in ay xunbno ka noqdaan golaha Wasiirada ee cusub.

Waxaa xubnahaas ku jira Wasiirka Gaashaandhiga dowlada Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Arimaha Gudaha C/Samad Macalin Maxamuud iyo Wasiirkii ganacsiga .

Sidoo kale waxaa jira saadaal kale oo bixinaysa in Booska Wasiirka Arimaha gudaha loo wado xubno kale.

Inta badan Golaha Wasiirada ayaa ka imaan doona gudaha dalka, waxaana ay ku kala imaan doonaan iyagoo taageero ka haysta madaxeynaha dowlada, Gudoomiyaha barlamaanka iyo Ra’isul Wasaaraha dowlada.

Waxaa jira warar sheegaya in ay jiraan xubno katirsanaa dowladii hore in ay wali maskax ku leeyihiin golaha wasiirada ee dhawaan lagu dhawaaqi doono.

Lase arki doonee marka Dr Saacid uu ku dhawaqo xubnihiisa Wasiirada oo loo malaynayo in 18 Wasaaradood ay ka koobnaan doonaan.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,522,010 unique visits Top