Al-Shabaab Oo Sheegay in Ciidamo Sigaar ah Utababaran ay Soogaliyeen Magaalada Muqdisho (Maxay yihiin Ciidamadaas Aqriso)
Iyadoo ay haatan gacanta ku heyso Dowlada Soomaaliya guud ahaa Magaalada Muqdisho iyo kuwa AMISOM oo garab siinaayo Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa Xoogaga Al-Shabaab oo hadalay waxa ay kuhamjabeen in ay soogaliyeen Magaalada Muqdisho Ciidamo sigaar ah utaba baran.
Gudoomiyaha Al-Shabaab uqaabilsan Gobolka Banaadir Shiiq Abuu C/Raxmaan ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo sigaar ah utaba baran ay soogaliyeen Magaalada Muqdisho kuwaas oo uu sheegay in ay kaqaban doonaan Magaalada howlo gaar ah.
Waxa uu cadeeyay qaabka ay u hoolgalayaan ciidamadaan waxaana uu sheegay in ciidamadaan ay yihiin kuwo weeraro kageesan doono goobaha ay dagto Dowlada Cusub ee Soomaaliya oo noqon doono goobaha ugu waaweyn ee dhanka amaanka.
Gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir Shiiq Abuu C/Raxmaan ayaa waxa uu baaq u diray Shacabka Soomaaliyed kuwaas oo uu ugu baaqay in ay kafogaadaan goobaha ay daganyihiin Madaxda Dowlada Cusub ee Soomaaliya iyo goobaha Saldhigyada u ah Dowladaan sida uu sheegay ay san wax dhibaataa ugu soogaarin weerarada iyo qaraxyada ay halkaasi kageesanayaan sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ugu danbeentii sheegay in Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya uu kadaran yahay sida uu hadalka u dhigay kii hore islamarkaana uu sheegay in ay ladagaala midoonaan.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa waxa ay dagaal xoogan kula jiraan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxaana ay hoosta ka xariiqeen in ay ladagaalamidoonaan cidii kamid noqotaa sida uu sheegay Gudoomiyaha Al-Shabaab uqaabilsan Gobolka Banaadir Shiiq Abuu C/Raxmaan.