Waxaana halkaasi Saxaafada kula hadlay Taliyaha Dugsiga Tababarka Xarunta Generaal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho Generaal Abuukar Axmed waxaana uu halkaasi ka sheegay in uu yahay ujeedada kulankaan sidii Ciidankaan loobari lahaa Baarista dambiyada kala duwan.
Waxaana uu Taliya kula dardaarmay Ciidamaadaan maanta tababarka loo furay inay siwanaagsan u qaataan casharadooda ku aadan dhanka tababarka isagoona ka rajeeyay markii ay soodhameestaan tababarka ay si wanaagsan ugu dhaqmidoonaan.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed C/laahi Xasan Bariise oo halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa dardaaran xoogan ujeediyay ciidamada Booliiska ee 40-gaaraya kuwaasi oo maanta tababarka dambi baarista loo furay.
Dhawaan ayaa waxa ay aheyd markii ay Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliyeed Magaalada Muqdisho looga furay tababar caynkaan oo kale ah gaar ahaan dugsiga Generaal Kaahiye iyagoona lagu barayey barista dambiyada kala duwan.