Dagaalkaan oo ahaa mid gaadmaa oo ay sooqaadeen Ciidamada Xoogaga Al-Shabaab kuwaas oo kuqaaday kolonyo gaadiid ah oo marayay Degaanka Buufow ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose waxaana lagu soowaramayaa in dagaalkaan uu kadhashay qasaaro xoogan oo sookala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.
Wararkii ugu dambeeyay ee haatan naga soogaaraya halkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in uu ku geeriyooday Dagaalkii maanta Taliyaha Guutada Shanaad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose Jen: Maxamed Faarax Goordon.
Taliya waqtiga uu geeriyoonayay ayaa waxa uu lasocday kolonyo gaadiid ah oo ay istaaf ka ahaayeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwaas oo ay jidka u galeen Ciidamo katirsan Xoogaga Al-Shabaab taasna ay keentay in uu geeriyoodo Taliyahaan.
Gawaarida galbineesay Taliyaha Geeriyooday iyo Ciidamada lasocday ayaa maanta Ciidamo katirsan Al-Shabaab jidka u galeen waxaana ay ka soo ambabaxeen gawaaridaan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose iyagoona ku soojeeday Dagmada Afgooye.
Waxaana la sheegay Dagaalkaan kadib inay dib ugu laabteen Ciidamadii galbinaayay Taliyahaan geeriyooday Magaalada Marka islamarkaana ay halkaasi geeyeen meedka Taliyaha.