MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Somaliland oo ka welwelsan inuu sii socon waayo wadahalkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, warqad cabasho ahna u dirtay….
Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa warqad cabasho ah oo u soo gudbisay dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku sheegeen inay ka walaacsanyihiin sii ambaqaadidda wadahadaladii u dhaxeeyay labada dhinac ee ku saabsanaa mustaqbal maamulka Soomaaliland.

Wadaxaajoodka labada dhinac oo ka dhashay shirkii magaalada London 23-kii Febaraayo ee sanadkan 2012-ka ayaa waxaa lagu sameeyay Guddi wadajir ah oo ka wadaxaajood qaabkii Soomaalia iyo Somaliland oo hadda adduunyadu u aqoonsantahay hal dal ay uga wadatashan lahaayeen arrinka Soomaaliya iyo sidii ay Somaliland dowladda uga dhaadhicin laheyd in la siiyo aqoonsi, dowladda Soomaaliya ay u saxiixdo arrinkaasi.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh Maxamuud mid aan xil adag iska saareynin sii ambaqaadididda wadahadaladii uu ka tagay Madaxweynihii hore Shiikh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ay Somaliland u aragtaa wadahadalka sida ay sheegtay xilligan wadahadalada ay la galeyso dowladda Soomaaliya mid ay aqoonsi ku heli kareyso maadaama Soomaaliya ay ka baxday KMG-kii.

Warqadda oo inta badan ay Xukuumadda Soomaaliland uga hadashay qaabka ay u dooneyso inay wadahadaladu noqdaan ayaa dhinaca kale waxaa ka muuqata kalsooni darro ay ka qabaan nidaamka cusub ee xilligan la wareegay Soomaaliya oo ah mid qunyar socod ah oo aan intabadan laga heli karin hadaladii tuurtuurka ahaa ee Madaxtooyada laga heli jiray, qoraalka ayaa waxaa lagu yiri “Fadlan noo sheega haddii ay idin ka go’an tahay inaad nala xaajootaan oo aad dooneysaan in wadahadaladu sii socdaan iyo haddii aad naan dooneynin”

Ilo wareedyo hoose oo aanu ka helnay xaafiiskeena magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in warqaddu aysan weli soo gaarin xaafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, inkastoo Guddigii ay Somaaliland u xilsaartay soo diyaarinta qoraalka arrimahaasi ku saabsan ay sheegeen inay dhameystireen oo waliba ay jawaab rasmi ah muddo todobaad ah ka sugayaan hogaanka Soomaaliya.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,521,072 unique visits Top