Dagaallo Xalay Ka Dhacay Lafoole iyo Xaawo Cabdi iyo Howlgallo Saaka Ka Socda Deeganadaasi
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgallo ballaaran ka wada deegaanada Lafoole iyo Xaawo Cabdi ee gobolka Shabeellaha Hoose ka dib markii ay xalay halkaasi ka dhaceen dagaallo ay soo qaadeen Al shabaab.
Howlgalada ayaa waxaa wadda Ciidamada fariisinka ku leh deegaanka Lafoole, waxaana la sheegay in ay dhowr qof kusoo qab qabteen howlgala ay saaka sameeyeen.
Xalay deegaanada Lafoole iyo Xaawa Cabdi waxaa ka dhacay dagaallo xooggan oo dhaliyay khasaare aan wali xadigiisa la ogaanin oo dhexmaray Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Maleeshiyaadka kooxda Shabaab.
Goobjoogayaal ku suggan Lafoole iyo Xaawa Cabdi ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu khasaare aan la cayimi karin ka soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, balse ay jiraan saddex ruux oo rayid ah oo ay dhaawacyo ka soo gaareen.