Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu dib u habeyn iyo isku bedel ku sameyn doono hay’adaha dowladda
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay markii ugu horeysay inay dib u habeyn balaaran ku sameyn doonaan hay’adaha dowladda Soomaaliya si buu yiri dib loogu soo celiyo dhismihii ama haykalkii dowladeed ee dalka ka jiray 22-sano ka hor, wuxuuna intaasi ku daray inuu isku bedel ku sameyn doono shaqaalaha dowladda iyo taliyayaasha ciidanka.
Xasan Sheekh waxaa kale oo uu sheegay in lagu mashquulsan yahay dhismaha xukuumad howlaha dowladda sii wadda, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay dib u soo celiyaan dowladnimadii Soomaaliya, wuxuuna hadaladan ka jeediyay kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Farriinta aan u gudbinayo Xildhibaanada iyo xubnaha kale ee dowladda waa inaan ku mashquulsannahay dhismaha dowladda si loo soo celiyo haykalkii dowladeed, waxaana wadnaa inaan sameyno wixii aan noo sameynayn wixii sameynaana dib u habeyn xooggan ayaan ku sameynaynaa”.
Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu sheegay inay la imaan doonaan howl ka duwan kuwii hore, isagoo xusay inaanay dib ugu laabaneyn waxyaabihii horay u shaqeyn waayeen dowladihii, balse ay doonayaan inay sameeyaan howl taas ka duwan, wuxuuna yiri “Waxaan rabnaa inaan marno jid cusub oo aan horay loo marin, go’aankeenuna waa inaan dhexda laga soo laaban oo la dhameystiro howlaha dhiman, mana doonayno inaan marno waddo meel cidlo ah na geynaysa, laga soo billaabo sanadkii 2000 oo la galay KMG-nimada illaa hadda waxaa la sameeyay isku dayo fara badan laakiinse duruufo kala duwan oo la soo maray ayaa sababi waayey in la gaaro halkii la higsanayey”.