Maxaa ka jira inuu khilaaf ku dhamaaday kulan u socday Madaxda ugu sareysa dowladda iyo Guddiga maamul u sameynta gobolada Jubooyinka?
Ka dib socdaal ay magaalada Muqdisho ku yimaadeen Guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee lagu dhisay shirkii Nairobi si ay warbixin u siiyaan madaxda dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in qodobo dhowr ah oo ay ka wadahadleen labada dhinac ay qaar ka mid ah isku afgaranwaayeen, isku maandhaafeen, taas oo keentay inay kala boodaan labada dhinac.
Sida warku sheegayo kulan xarunta madaxtooyada ku dhexmaray labada dhinac ee dowladda iyo Guddiga farsamada oo labo weji ahaa ayaa la sheegay in wejigii hore la isku soo dhaaday oo arrimo badan la isla meel dhigay balse kulankii dambe la isku fahmi waayeeyey, isla markaasna lagu kala tagay shirkii ay labada dhinac lahaayeen ee ku saabsanaa maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa inwejigii hore lagu heshiiyey inay dowladdu aqoonsato maamul goboleedka Jubbaland, uuna noqdo maamulkaasi kii ugu horeeyay ee la dhiso tan iyo intii dawladda federaalku ay ku meel-gaarka ka baxday, dowladduna ay ergo goobjoog ah u dirsato dhismahaasi, waxaana la sheegay in dowladda wajigii labaad ee shirkaasi markii la isugu yimid ay shuruudo ku xirtay arrinta Guddiga oo ay soo jeedisay in Guddiga farsamada la balaariyo laguna daro illaa 8-Xildhibaan oo ka soo kala jeeda beelaha dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, taas oo sida la sheegay ay Guddiga farsamada ka biyo diideen inay qaataan.
Sida warku sheegayo waxaa soo xaadiray kulanka dambe Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo afhayeenka Baarlamaanka, waxayna ku wargeliyeen Guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo in lagu biiriyey Guddi Xildhibaaano ka mid noqonaya Guddiga farsmada, waxayna u sheegeen madaxda dowladdu Guddigii hore in qorshahoodu yahay in labadan Guddi oo isku dhafan ay u fariistaan qaabkii loo sameyn lahaa maamulka Jubbaland ka hor inta aysan arrinta maamul u sameynta gudagelin, bale waxaa la sheegay in arrinkan dambe ay ka biyo diideen Guddigii farsamada ee Nairobi ka yimid, waxaana la sheegay inay madaxda dowladda ku wargeliyeen in Guddiga Xildhibaanada ah ee ay doonayaan iany ku biirayaan Guddiga farsamada ay u soo dirsadaan shirka Kismaayo ka dhici doona si ay goobjooge ugu noqdaan, waxayna ku doodeen in qorshaha maamul u sameynta Jubbooyinka iyo Gedo uu hadda maraya meel gabogabo ah.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in arrintaasi ay hadda soo dhexgashay saraakiil ka tirsan urur goboleedka IGAD oo iyagu ahaa kuwii markii horeba arrinta maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ku howlanaa, halka warar kale ay sheegayaan in xubnaha Guddigii farsamada ee horey uga yimid magaalada Nairobi ay dalbadeen inay ku laabtaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay horey uga yimaadeen, Guddiga ay dowladdu magacowday oo ahaa 8-xubnood oo ka mid ah mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa beelo ahaan ka soo kala jeeda beelaha kala ah: Sade 1, Harti 1, Absame 2, Sheekhaal 1, Gaaljecel 1, Jareer-weyne 1 iyo Raxanweyn 1.