Magaalada Kismaayon ee Xarunta u ah Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ka taagan xaalad amni daro midi ugu xumeyd , iyadoo ay saacdihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen qaraxyo gil gilay Magaalada iyo Dilal Qorsheysan.
Tan iyo shalay marki uu dhacay qaraxii lala eegtay ciidamada huwanta Magaalada waxa ay gashay Bnadow , waxaana sidoo kale la socda baaritaano culus oo ay sameynayaan ciidamada huwanta ah.
Saaka Magaalada Kismaayo waxaa lagu soo toosay Ciidamada Dowlada oo ku sugan xaafadaha Magaaladaasi , waxaana ay wadaan baaritaano ay guryaha ugu galayaan shacabka ku sugan Magaaladaasi.
Qof ku sugan Xaafada Faanoole ee Magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Dowlada ay saaka ku sugan yihiin Gudaha Xaafadaha Magaalada , isagoo qofkan goob joogaha ah uu sheegay in ciidamada ay baarayaan dadweynaha iyo guryaha ay ka shakiyaan.
Xaalada Magaalada waa mdi aan kacsaneyn sidoo kalana aan daganeyn , dadka dhan waxaa u daaran filim cabsi ah , wuxuuna qof kasta ka cabsi qabaa in qarax lala eegto ciidamada isagoo agmarayo.
Dhanka Kale Xaafada Calanleey oo ka tirsan xaafadaha ugu magaca dheer Kismaayo ayaa Saaka lagu dhex arkay Meydka Qof Rayid ah , kaasoo ay ka muuqatay Rasaasta lagu toogtay.
Sida wararku nagu soo gaarayaan Meydka Qofka Rayidka ah ayaa yaalay Isgooyska Faaduma Daahir , iyadoo dadki saaka isugu soo baxay Meydka ay ku dabooleen maro.
Magaalada Kismaayo ayaa hada ah meelaha ugu amniga xun Dalka Soomaaliya , waxayna magaalada mudo sanado ah ay ku soo jirtay Nabad inti ay heyteen Alshabaab , walow alshabaabka xataa ay dhibaato ku hayeen shacaba , iskana dili jireen dad aan dambi lahayn.