Prof jawaari ayaa waxa uu sheegay in guul muhiim ah Sanadkaan laga gaaray Dalka Soomaaliya isagoona tusaale ahaan u sooqaatay Doorashadii ka dhacday Dalka ee lagu dooranaayay Madaxweynaha Soomaaliya taas oo ka dhacaday Magaalada Muqdisho.
Prof Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu faa-faahin kabixiyay kulan uu maanta laqaatay Safiirka Dowlada Turkiga ee Soomaaliya waxa yaabihii ay kawada hadleen waxaana uu sheegay in arimo badan ay kawada hadleen.
Waxaana uu tilmaamay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya in Dowlada Turkiga ay u balan qaaday in ay dhisto Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ku kulmaan.
Dhinaca kale Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ugu danbeentii cadeeyay in maalinta Axada ee soo aadan taas oo ku beegan 16-Bishaan in Magaalada Muqdishho lagu qaban doono Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Xalay ayee aheed markii kulan seddex geesood ah ay wada yeesheen Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Shiiq Maxamuud,Gudoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiiq Axmed.