Dowlada Iiran oo ku qasabtay wafdi katirsan Midowga Yurub in ay safarkooda baajiyaan
Booqasho ay dalka Iiraan ku tagi lahaayeen xubno katirsan barlamaanka midowga Yurub ayaa waxaa baajisay xukumada Tehran.
Xubnahan midowga Yurub ayaa doonayay in ay abaal marinta dhanka xaquuqda aadanaha ee midowga Yurub ay gudoonsiiyaan labo qof oo ku xiran dalkaas Iiraan.
Qareen Nasrin Sotoudeh iyo Flim sameeyaha Jafar Panahi ayaa loo doortay in ay noqodaan kuwa ku guulaystay abaalmarinta Sakharov prize jimcihii lasoo dhaafay.
Shan kamid ah siyaasiyiinta midowga Yurub ayaa la doonayay in ay usafraan dalkaas si ay abaalmarinta ubixiyaan.
Hase ahaatee Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in Tehran aysan aqbalin wafdigaas midowga Yurub ka socda.
Hossein Sheikholeslam oo kamid ah madaxda barlamaanka Iiraan, ayaa laga soo xigay in wafdiga midowga Yurub aysan imaan karayn gudaha dalkaas, hadii ay imaanayaana waa in ay haystaan ujeedo cad.
Si kastaba Xubnihii ka socday barlamaanka Europe ayaa kansalay socdaalkii ay ku tagi lahaayeen dalkaas Iiraan.
Dowlada dalka Iiraan ayaa cadow ku ah dalalka Reer Galbeedka, waxaana haatan saaran cunaqabatayn uu kusoo rogay Mareykanka.