MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Xaaladda Goobahii Lagu Dagaalamay ee Jubbada Hoose oo Maanta Deggan
Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobbolka Jubbada Hoose oo ay 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dagaallo xooggan ka jireen ayaa ku soo waramaya in saaku ay xaalada deggantahay oo aysan jirin wax dagaallo ah oo saaka markale dib u bilowday.

Deegaanada Harboole,Miido iyo Biibi oo shalay lagu hardamay ayaa saaka deggan inkastoo ay wali muuqato dhiilada colaadeed ee u dhaxeysa dhinacyada ku loolamaya gacan ku heynta gobbolada Jubbooyinka.

Dagaal aad u xooggan ayaa shalay xoogaga Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kneya oo isku dhan iyo kooxda Shabaab ku dhexmaray deeganadaasi, waxaana jira khasaare kala duwan oo dhinacyada dagaalamay soo kala gaaray.

Dhanka kale saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Jubbooyinka ayaa wacad ku maray inay maalmaha soo socda ay gudaha u gali doonaan magaalada Kismaayo oo ah bartilmaameedkooda ugu weyn.

Maxamed Faarax Daahir oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay ku qabsan doonaan magaalada Kismaayo, isagoona intaasi ku daray in hadda aysan jirin cid ka hor taagan qabsashada Kismaayo maadaama shalay ay jiireen difaacyadii Shabaab, sida u hadalka u yiri Maxamed Faarax.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,488,291 unique visits Top