MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Diplumaasi Carbeed oo sheegay in Soomaaliya aysan weli helin dowlad sax ah, kana hadlay wadahadalada u socda…
Diplumaasi carbeed ayaa sheegay markii ugu horeysay in Soomaaliya aysan helin wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya dowlad rasmi ah oo dhameystiran, wuxuuna intaasi ku daray in ka gudbitaanka xilligii KMG ahaa macnaheedu uusan aheyn in Soomaaliya ay ka dhalatay dowlad sax ah oo caalamka la macaamili karta.

Diblumaasigan oo u dhashay dalka Kuwait horayna uga soo shaqeyn jiray dalka Soomaaliya ayaa sheegay in marka la eego ragga madaxda looga dhigay Soomaaliya in sedexduba yihiin rag u soo shaqeeyay hay’adaha Qaramada Midoobay, taasina macnaheedu yahay in dad wakiil u ah Qaramada Midoobay ay Soomaaliya madax ka yihiin, isla markaasna ragga xukunka haya ay hoostagaan sida uu yiri Qaramada Midoobay.

“Soomaaliya weli helin dowlad rasmi ah oo sax ah tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, marka la fiirsho ragga hadda madaxda ka ah dowladda Soomaaliya waa dad wakiilo u ah Qaramada Midoobay waxaana sidaasi u leeyahay waxay u soo wadashaqeeyeen hay’adaha Qaramada Midoobay, welina dowladda Soomaaliya ma noqon dowlad sax ah, waxaaana weli gacanta ku haya dowladaha caalamka oo dhaqaale ku bixiya sidii ay ku hirgeli laheyd” ayuu yiri diblumaasigan u dhashay dalka Kuwait, horayna uga soo shaqeeyay safaaraddii Kuwait ee dalka Soomaaliya ka hor intii aysan dhicin dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo la afgembiyey sanadkii 1991-dii.

Dhinaca kale diplomaasigan ayaa waxa uu ka hadlay wadahaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, wuxuuna sheegay in dowladii Sheekh Shariif ay aheyd dowladda keliya ee wadahadal la furtay maamulka Somaliland, isagoo sheegay in Sheikh Shariif uu uga dheereeyay Somaliland wadahadalkaasi uuna caalamka si weyn uga dhaadhiciyey in laga wadahadlayo sidii midnimadii Soomaaliya ay dib ugu soo noqonlaheyd, halka ay Somaliland ka fileysay in loo wadahadlo labo dhinac oo siman ahna labadii gobol ee koofur iyo waooyi ee Soomaaliya sida uu yiri.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,563,216 unique visits Top