MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
DAAWO SAWIRO:Haweeney Hindi ah oo sheegatay inay 113-sano jir tahay qofka ugu da’ada weyn
Haweeney lagu magacaabo Zeenat Bi oo ku nool magaalada Bhopal ee dalka India ayaa sheegtay inay tahay 113 sano jir ayna tahay haweeneyda ugu da’da weyn caalamka, hase yeeshee dowlada Hindiya ayaa waxa u diiwaangashan in ay tahay 101 sano jir.

Haweeneydan lagu magacaabo Ms Bi, ayaa waxa ay sheegtay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay dooneyso inay samayso inta aanay dhiman inay tahay iyadoo la kulanta xiddiga Bollywoodka ee Salman Khan isla markaana ay soo xajiso oo ay tagto magaalada barakaysan Makka.

Haweeneydan oo aadka u gaaban ayaa waxa ay sheegtay in ay xusuusan tahay xilligii ay xukumi jireen dalka Hindiya mustacmaradii Ingiriiska iyo sidoo kale xilligii ay saameynta ku lahaayeen dalka Hindiya ee amiirkii Nawab.

Haweeneydan ayaa haddii da’ada ay sheeganayso tahay mid sax ah ayaa waxaa ay dhalatay xilligii Queen Victoria ay xukumi jirtey Ingiriiska. Waxaynta sheegtay in ay soo joogtay xilli magaaloyinka dalka Hindiya ay ahaayeen kuwo keymo ah oo meel kasta ay geedo ahaayeen.

‘Waxaan xusuustaa xilligii ay dowlada Britishka ay ku amreen dadka reer Hindiya inay cunaan rootiga iyadoo aysan hore dadka Hindida ah u cunijirin rootiga.’

Ms Bi ayaa waxa ka hartay dhamaan qoyskeeda hase yeeshee waxaa ku dhacay cudurka cataracts iyo cudur lafaha ka galay hase ahaatee waxa ay ku nooleyd lacag ay dowlada Hindiya siiso howlgabka oo dhan 275 ruppes oo u dhiganta (£3.19).

Iyadoo ka hadlaysa nolosheeda ayaa waxa ay tiri: ‘inku dhow 50 sano ayaan kaligey noolaa,weligeyna ma guursan ilmana ma dhalin.

‘Waxa kaliya oo aan haysto waxa ay tahay waa sariir yar taasoo hadiyad ahaan iigu keentay guddoomiyihii hore ee gobolka Uma Bharti kaasoo bil walba ii soo diri jirey 2500 rupees (£30).balse ma jiro cid kale oo i xasuusta.

Haweeneydan ayaa weli tinteedu ay tahay mid madow waxaana ka dhacay saddex ilkood oo kaliya.
Waxayna haweeneydan ay la nooleyd qoys muddo labaatan sano ah.

Haweeneydan sheegatay inay tahay tan ugu da’ada weyn caalamka ayaa waxaa ay tahay mid aad u jecel inay la kulanto jilaaga hindiga ee Salman Khan.

Waxayna sheegtay in ay taageere weyn u tahay isla markaana ay daawatay dhamaan aflaamta uu jilay Salman Khan. Sidoo kale waxay sheegtay inay jeceshahay inay soo xajiso oo ay tagto magaalooyinka Makka iyo Medina.








Comments
Render time: 0.03 seconds 4,487,019 unique visits Top