Xagee ku Dambeyn Doonaan Labo Shariif, Gaas iyo Mahiga, Mase Laga Yaabaa in ay Dib Ugu Soo Noqdaan Siyaasadda Dalka?
Soomaaliya iminka waxaa ka dhalatay Dowlad cusub oo aan KMG ahayn, waxayna nasiib u yeelatay in ay noqoto Dowladdii ugu dambeysay ee caalamka kusoo biirtay kadib markii 22-dii sano ee lasoo dhaafay uu banaanaa booskii Dowladdimo ee Soomaaliya.
Soomaaliya 21-dii sano ee lasoo dhaafay waxaa ka jiray dagaallo sokeeye, dagaallo diimeed, amar ku taaglayn qab qablayaal dantooda yaqaan iyo Dowladdo KMG ah oo aan tayo lahayn.
Dalka kheyraadka hodonka ku ah ee ku yaalla Gees Africa iminka waxa uu leeyahay Baarlamaan iyo Madaxweyne la aqoonsan yahay oo aan KMG ahayn, dhowaan la waxaa la filaayaa in uu yeesho Raysal wasaare iyo Xukuumad tayo leh.
Labada masuul ee nasiibka u yeeshay in ay noqdaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa rag aqoonyahanno ah, waxayna wataan darajada Proff., dadka ayaa rajo wanaagsan ka qaba in Raysal wasaaraha iyo inta badan ee golaha wasiirada ay sidaasi oo kale noqdaan.
Dowladdii ugu dambeysay ee dalka soo martay waxaa Madaxweyne ka ahaa Shariif Sheekh Axmed oo kasoo galay maxaakiinta islaamka, waxaa Guddoomiye Baarlamaan ka ahaa Shariif Xassan Sheekh Aadan oo kasoo galay dhinacyo kala duwan, waxaa Raysal wasaare ka ahaa C/weli Maxamed Cali Gaas oo kasoo galay qurba joogta, sidoo kale dalka waxaa awood xad dhaaf ah ku maamulaayey Augustine Mahiga oo ah wakiilka UN-ka ee Soomaaliya.
Dhamaan raggaasi oo qaarkood ay dadka Soomaaliyeed ka didaan magacyadooda si aan baryo ahayn ayey daaqada uga baxeen, waxaana dalka usoo baxay rag aqoon leh oo ay dadka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in ay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka taagan.
Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo C/weli Maxamed Cali Gaas waxa uu mid kastaa u tartamay in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, hase yeeshee nasiib uma yeelan helitaanka kursiga la wada jecel yahay, waana ku hun goobeen rabitaankooda.
Sidoo kale Augustine Mahiga waxaa isaga lagu wadaa in la bedelo kadib markii uu dalku yeeshay Dowlad rasmi ah, waxaan idin xusuusinaynaa wakiilada Qaramada Midoobay ee Dowladaha caalamka wax awood ah malaha haddii Dowladdaasi tahay mid rasmi ah sida tan hadda ka dhalatay Soomaaliya.
Sidaasi darteed waxay noqonaysaa in Mahiga meesha laga saaro oo lagu bedelo masuul cusub ama uu jooga isaga oo aan lahayn awooddiisii hore loogu yaqaanay ee wax ku kharibi jiray.
Xitaa waxaa dhici karta in meesha laga saaro gebi ahaanba wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya maadaama uu dalku yeeshay Dowlad rasmi ah.
Marka su’aalaha iswaydiinta mudan ayaa ah afarta masuul xagee ku dambeyn doonaan, gaar ahaan saddexda Soomaalida ah dib ma ugu soo laaban doonaan siyaasadda dalka, mustaqbalkooda dambe sidee noqon doonaa, dadka Soomaaliyeed ma u darsan doonaan mise waa ka reysan doonaan?
Dhamaan su’aalahaan waxay jawaab ka sugaayaan shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan akhristeyaasha Dhacdooyinka.com.