KAALMOY U CODEE
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Faahfaahin ku saabsan gaari ay saarnaayeen dad rayid ah oo miino kula qaraxday magaalada Muqdisho
Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii baabuur mini bas ah ay miino kula qaraxday meel u dhow degmada Yaqshid ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in baabuurka ay saarnaayeen dad rayid ah.

Dadka wax ku noqday qaraxan oo dhacay maqribnimadii xalay ayaa loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan dowlada KMG iyo kwua AMISOM oo baaritaano halkaasi ka sameeyay, lamana sheegin illaa iyo hadda cid loo qabtay qaraxa.

“Mar qur ah ayaan ka warhelnay baabuurkii aan la soconay oo ololaya, ilbiriqsi ka dib baabuurka dhexdiisa waxaa ka yeertay qeylo dhaan, waxay indhaheygu qabanayeen dad badan oo meyd ah, sidoo kalena waxaan arkay inta badan dadkii gaariga saarnaa oo uu dhaawac soo gaaray” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii la socday gaariga ay la qaraxday miinada oo la hadlay warbaahinta.

Dhinaca kale dagaalo kala duwan ayaa xalay iyo haneen hore ka kala dhacay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, kuwaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab oo dhinac ah, wuxuuna dagaalku yimid ka dib markii weerar ay Al-shabaab ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,941,477 unique visits Top