MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Waxa Looga Saaray KMG Nimada Waa In La Xalashado Kheyradka Dalka: Waxaa Yiri Axmed Godane
Amiirka guud ee xarakada al shabaab Sh. Mukhtar Abu Zubeyr oo Axmed Godene loo yaqaano ayaa fariin uu ugu talo galay maalinta ciidul adxa soo diray isagoona diirada ku saaray meelo fara badan oo somaliya iyo caalamka ba ah.
Isagoo ugu horeyn ka hadlay dagaalada ka jira wadamada caalamka oo uu sheegay in jihaadka uu ku fiday wadamo badan.
“Is bedelada dhacay waxaa ka mid ah nidaamyadii xeyndaabka u ahaa Yuhuuda oo bur buray, iyo Jihaadkii oo dhul cusub ku fiday, Suuriya, Libiya, Masar, Mali iyo Nigeria, guuldarada gaalada kala kulmeen dagaalka Ciraaq iyo Afganistaan”ayuu yiri Abuu Zubeyr.
Mar uu soo hadal qaaday duulaanka Soomaaliya ayaa sheegay in hadafka haatan loo socdo uu yahay in la boobo qeyraadka dalka, shidaalka iyo macdanta, kadib markii aduunka bur bur dhaqaale soo wajahay sida uu yiri.
Hadafka duulaanka gaalada waxaa uu yahay boobka qeyraadka dalka, shidaalaka iyo macaadinta, markii uu aduunka bur bur dhaqaale soo wajahay, Soomaaliyana ay ka dhigteen keedk ka mid ah keedadkooda, waxay taas keentay in nidaamka ridada KMG laga saaro, si heshiis u galo, qeyraadka dalka lagu xalaashado”ayuu yiri Abuu Zubeyr.
Amiirka Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in duulaanka AMISOM uu guuldarooyin badan soo wajahay, isla markaana aan wali la gaarin ujeedooyinkii loo socday, isagoo xusay in wali ay shaqeynayaan maamuladii islaamiga Gobolada.
“Duulaanka AMISOM waxaa ku yimid guuldarooyin badan, faa’iidooyinkooda uu noqday hal bacaad lagu lisay, ujeedooyinka ay u socdeen ay gaari la’yihiin, waxaa shaqeynaya dhamaan wilaayaadkii islaamiga waxaa marag u ah hadii ay tahay Garsoor, Caafimaad iyo Xisbo”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Abuu Zubeyr ayaa sidoo kale iftiimiyay in magaalooyin yar oo ahaa magaala madaxda gobolada dalka ay qabsadeen, balse ay meesha ka baxday riyadii ku dhisneyd hadii laga qabsado magaalada madaxyada gobolada dalka inay u dhamaaneyso.
“Magaalooyinka tirada yar ee cadawga soo galay qaarkood wilaayaatka islaamiga ayaa maamula, waxaa beenowday riyadii cadawga ee ku dhisneyd in magaala madaxyada gobolada hadii la soo galo maamulka wilaayaadka Islaamiga ay u dhamaan doonto”ayuu yiri Hogaamiyaha Al-Shabaab oo intaa ku daray in goobaha ay ku baaheen AMISOM uu fursad u yahay Mujaahidiinta inay weeraro ay ku naafeeyaan xilli walba ku qaadaan.
Waxaa uu sheegay in qaladaad taariikhi ah la galay markii dagaalka ay ku soo biireen Kenya, waxaana uu tilmaamay in arrintaas laga qoomameyn doono, isla markaana qabsashada Kismaayo aanay farxadeeda sii raagi doonin.
“Waxaa xusid mudan qaladaadka taariikhiga ee cadawga ku dhacay, waxaa ka mid ah in Kenya ay dagaalka soo geliyaan, arrintaas in badan ayay dib uga qoomameyn doonaan, qabsashada Kismaayo farxadeeda ma sii raagi doonto”ayuu yiri Abuu Zubeyr.
Dhambaalkan ayaa ah kii labaad ee uu soo diro Godane tan iyo markii madaxooda la dul dhigay isaga iyo saraakiisha ugu sar sareeysa Al shabaab Malaayin Dollar halka iyagana eey dul dhigeen Tobaneeyo Halaad oo Geela ah iyo Tobaneeyo xaboo Digaag ah
Comments
Render time: 0.76 seconds 4,504,060 unique visits Top