MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Ciidamo Katirsan Al-Shabaab Oo Iskudiibay Saraakiisha Dowlada Soomaaliya
Dagaalyahanadan badan oo katirsan Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay gaareen Degaano katirsan Gobolka Gado oo ay halkaasi ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Dagaalyahanadaan katirsan Al-Shabaab ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ay isku dhiibeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee halkaasi kusugan waxaana la sheegay in halkaasi lagu soo dhaweeyay Ciidamadaan katirsan Al-Shabaab ee isdhiibay.

Qaar kamid ah dadka degaanka oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegayaan in dhalinyaradaan katirsan Al-Shabaab ee isdhiibay ay gaarayaan tiradooda ilaa iyo afar dagaal yahan waxaana ay intaa raaciyeen dadka eynu lahadalnay in ay wateen dhalinyaradaan hub.

Afhayeenka Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee Gobolka Gedo Axmad Labaale oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay isku soodhiibeen dhalinyaro katirsan Al-Shabaab islamarkaan ay haatan gacanta ku haayaan.

Waxaana uu intaa raaciyay hadalkiisa in ay dhalinyaradaan isasoodhiibeen saqdiidhexe ee xalay hubkoodana ay gacanta kuyaahaan waxaana uu sheegay in ay u sameen doonaan dhaqan celin sida uu sheegay.

Waxaana uu ugu dambeentii Afhayeenka Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee Gobolka Gedo Axmad Labaale uu sheeca ka qaaday in ay jiraan dhalin yaro badan oo uu sheegay in ay la sooxiriireen Saaraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee kusugan Gobolka Gado kuwaas oo uu sheegay in ay doonayaan in ay isa soodhiibaan.

Majiro wax war ah oo kasoobaxay dhanka Al-Shabaab oo ay kaga hadlayaan arintaan ku aadan dhalin yaradaan katirsan Al-Shabaab ee isku dhiibay Ciidamada Dowlada Soomalaiya ee Gobolka Gedo.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,576,374 unique visits Top