MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Madaxweynaha maamulka Somaliland oo soo dhawayeeyay doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalila, uguna baaqay…
Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo} ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay doorashadii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay inay soo dhaweynayaan Madaxweynaha cusub iyo qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxtinimada Soomaaliya.

“Marka hore aniga oo ku hadlaya magaca dadka reer Somaliland, waxaan doonayaa in aan halkan ugu hambalyeeyo Madaxweynaha cusub ee xalay Baarlamaanka dalka Soomaaliya ay ku doorteen Xasan Sheekh Maxamuud, inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya afarta sano ee soo socda, sidoo kale waxaan u hambalyeynaynaa Madxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed sida wanaagsan ee u aqbalay natiijadii ka soo baxday doorashadii looga guuleystay, Xukuumadda iyo shacabka Somaliland waxay muddo dheer ka damqanayeen dhibaatadii heystay dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Somaliland waxa uu yiri “Doorashadii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaanu u aragnaa ka Somaliland ahaan inay tahay fursad ay ka abuurmi karto deganaansho iyo nidaam maamul dowladeed oo dalka Soomaaliya ee aan walaalaha nahay uu gaaro, isla markaasna la gaari doono in dadka shacabka ah ay toos ah u dooran doonaan hadda ka dib dadweynaha Soomaaliyeed, laakiin waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha cusub inuusan sheegan dhulka Somaliland, isla markaasna uu noo aqoonsado labo dal oo kala madaxbanaan”.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha maamulka Somaliland waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu halkiisii ka sii wado wadahaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaasna uu kala shaqeeyo sidii ay u heli lahaayeen aqoonsi iyo madaxbaani ay ku gaaraan dowlad adduunka oo dhan uu wada aqoonsanyahay.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,563,601 unique visits Top