MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Sheekh Axmed Madoobe oo ka hadlay dagaal culus oo ka dhacay gobolka Jubbada hoose iyo Al-shabaab oo sheegtay…
Wararka naga soo gaaraya degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Kenya oo dhinac ah iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah ayaa shalay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Harboole oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka jubada hoose.

Sida warku sheegayo dagaalka oo ahaa mid culus ayaa qarxay ka dib markii ciidamada isbaheysiga ah ay weerar ku qaadeen saldhig ay deegaankaasi ku lahaayeen xoogagga Al-shabaab, waxaana lagu soo waramayaa inuu halkaasi kadhacay dagaal xooggan oo labada dhinac ay isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo la sheegay in dhinacyadii dagaalamayna uu soo kala gaaray khasaare kala duwan, waxaana la sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 10-ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah.

Dagaalka ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay dhinacyadii dagaalamay oo uu mid waliba sheegay inuu dagaalka isagu ku guuleystay, isla markaasna deegaankii lagu dagaalamay uu isagu ku suganyahay, inkastoo saraakiisha dowladda KMG ay si gaar ah u sheegteen inay qabsadeen sida ay ku doodeen deegaankii uu dagaalku ka dhacay, isla markaasna ciidamadii ka soo horjeeday ay kala wareegeen hub, ayna ka dileen askar badan sida ay yiraahdeen.

Dhinaca kale Sheekh Axmed Madoobe oo ah Guddoomiyaha ururka Raaskambooni ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay rajeynayaan inay maamlmo gudaheed ay gacanta u soo gasho, waxa uu sheegey inay hadda u jiraan sida uu yiri 82-Km oo keliya, wuxuuna xusay inay wadaan dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee ay kula wareegi lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,500,247 unique visits Top