C/raxmaan Faroole:- Mar buu burburi gaaray hanaankii Soomaaliya ay uga bixi laheyd ku meelgaarnimada ka dib markii…
Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka hadlay markii ugu horeysay xildhibaanadii la diidanaa ee lagu soo daray Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, wuxuuna arrinkaasi ku eedeeyay Guddoonka sare ee Baarlamaanka, wuxuuna intaasi ku daray in Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ay qatar geliyeen sida uu yiri hanaankii looga gudbayey KMG-nimada ka dib markii uu ku soo daray xildhibaanadii loo diidanaa ka mid noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen hogaamiye kooxeedyadii.
“Xalay mar baan siganay oo uu burburi gaaray hanaanka Soomaaliya looga bixinayo ku meelgaarnimada ka dib markii Baarlamaanka lagu soo daray kuwii la diiday inay ka mid noqdaan, eedaasina waa iska leh Guddoonka sare ee Baarlamaanka, wixii ay nimankaasi sameeyaana waxaa eedeeda qaadaya Guddoonka Baarlamaanka oo u ogolaaday inay Baarlamaanka soo galaan” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.
Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Puntland waxa uu ka hadlay doorashada Madaxweynaha cusub wuxuuna sheegay in xildhibaanada Soomaliya uu hanbalyo gaar ah u dirayo madaama ay codkooda in ka badan 70% ay ku siiyeen Xasan Sheekh Maxamuud ayna yihiin Baarlamaan ka duwan Baarlamaankii hore ee Soomaliya oo uu kan hada yahay Baarlamaan aqoon leh, wuxuuna intaasi ku daray in hanaabkii Soomaaliya uu ku sigtay inuu burburo intii ay socotay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, balse sida uu yiri markii dambe laga badbaaday in Soomaliya hanaankeeda uu khaldamo.