Wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo ku Baaqday in la Gar Gaaro Dadka Danta yar , Si ay Farxad ula Qeybsadaan Walaalhood Muslimiinta ah
Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumada Soomaaliya ayaa ku baaqday in la gar gaaro dadka danta yar ee aan heysan wax ay kaga qeyb qaataan farxada Munaasabada Ciidul Adxaa.
Maxamed Kheyrow Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo la hadlay warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in Maanta ay tahay maalmaha Muslimiinta ay ugu farxada badan yihiin , waxaana uu ilaah umada u weydiiyay dambi dhaaf , isagoo sidoo kale la dar daarmay kuwa ilaahay wax siiyay inay gar gaaraan Walaalhood ku jira xeryaha Barkacayaasha.
Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ayaa ka hadashay isku soo aadka Maalinta Jimcaha iyo Ciidul Adxaa , waxaana uu agaasimaha sheegay in la wada tukan doono Salaada Ciida iyo Salaada Jimcaha.