KAALMOY U CODEE
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
(DAAWO SAWIRO)Kulankii ugu horeeyay oo dhexmaray xalay Madaxweynaha cusub, Madaxweynihii hore iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, kana wada hadlay…
Ka dib 24-saac markii ay ka soo wareegatay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa xalay xarunta Madaxtooyada kulan gaar ah oo uu albaabada u xirnaa ku dhexmaray Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaan la ogeyn waxyaabaha sida gaarka ah looga hadlay, waxaase loo maleynayaa in kulankaasi looga hadlay watiyada ay dhacayaan caleemasaarka Madaxweynaha cusub iyo xilwareejinta la filayo inuu sameeyo madaxweynihii hore, waana kulankii u horeeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la qaato Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ninka uu ka guuleystay Shariif Sheekh Axmed.

Warar kale ayaa sheegaya in kulanka warbixin la isku dhaafsaday, gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo arrimaha siyaasadda oo ay ka mid tahay howlaha horyaala Xukuumadda cusub ee la soo dhisayo, sidii ay u ambaqaadi laheyd waxyaabihii Xukuumaddii hore ka tagtay, sidoo kale waxaa la sheegay in kulankii xalay uu daba socday kulan kale oo ammaanka looga hadlayey, kaas oo ay yeesheen saraakiil ka tirsan Hay'adaha ammaanka dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha AMISOM, kaas oo la sheegay inay si wada jir ah uga qeybgaleen Madaxweynaha cusub iyo Madaxweynihii hore.

Madaxweynaha cusub Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kulamo qaabilaad kula qaatay Hotelka cusub ee Jazeera diblumaasiyiin caalami, siyaasiyiinta Soomaalida, Musharaxiintii hore, Xildhibaano iyo Ururada Bulshada rayidka ah, waxaana uu kala hadlayey sidii ay u taageeri lahaayeen dowladdiisa, isla markaasna ay ula shaqeyn lahaayeen, waxaana lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah uu kulan gaar ah dhexmaro musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.


Comments
Render time: 0.05 seconds 4,949,332 unique visits Top