MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Argentina Iyo Uruguay Oo Lagu Dhegay, Iyo Falcao Oo La Celin La’ Yahay Isreebreebka Koobka Adduunka.
Qaab ciyaareed laga xumaado oo ay soo bandhigtay Argentian ayaa waxaa badbaadiyay Gonzalo Higuian, kaasoo shaqaba ku hubsaday goolkii barbaraha ee ciyaartii ay 1-1 la galeen Perui isreebreebka koobka adduunka Latin America.

Claudio Pizarro ayaa rigoore qasaariyay xilli hore ka hor inta uusan Carlos Zambrano hogaanka u dhiibin Peru qeybtii hore ee ciyaarta, oo xulka martida loo ahaa ee Peru ay u qalmeen inay guul gaaraan marka loo fiiriyo sida ay u ciyaareen.

Lakiin waxaa guushii ay filayeen inay gaaraan ka beeniyay Higuain kaasoo shabaqa ku hubsaday karoos ka yimid Ezequiel Lavezzi, isagoo ka badbaadiyay xulka Sabella guuldaradii ugu horeysay ee ka soo gaarta Peru tan iyo 1997dii.

Argentina ayaa hal dhibic ku hogaamineysa isreebreebka koobka adduunka Latin America iyagoo leh 14 dhibcood 7 kulan oo ilaa iyo haatan la ciyaaray.

Colombia ayaa ku soo xigta oo leh 13 dhibcood ka dib markii ay 3-1 ku gaaraceen xulka Chile.

Weeraryahanada Radamel Falcao iyo Teo Gutierrez ayaa meesha ka sii watay gool dhalintooda iyagoo gool lagu lahaa ugu bedelay 3 10 ciyaaryahan oo Chile ah.



Colombia oo ku socota wadadii ka soo kabsashada ayaa isbuucii hore waxa ay 4-0 ku dardareen xulka Uruguay, waxaana ay heystaan mashiinka goolasha Radamel Falcao.

Ecaudor ayaa iyadana sidoo kale leh 13 dhibcood ka dib markii ay barbaro 1-1 ah la galeen xulka Uruguay.

Waxaana guuldarro kale Uruguay ka badbaadiyay Edinson Cavani oo goolka barbaraah u dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Valencia ayaana casaan toos ah Ecaudor ka qaatay dhamaadkii ciyaarta.

Comments
Render time: 0.03 seconds 4,553,170 unique visits Top