Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Deeganka Leego uu habeennimadii xalay ka dhacay dagaal xoogan, dagaalka ayaa kadanbeeyay kadib markii Cutubyo Shabaab ah oo ay weerar gaadmo ku qaaden Fariisimo Deeganka Leego ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Somali iyo AMISOM
Dagaalka ayaa markii hore ku bilowday Duqeymo madaafiic ah waxa uuna durbadii isku bedelay dagaalfool ka fool ah oo ay wada qaaten Ciidamada Dowladda oo garabsanaaya kuwa AMISOM iyo Al-qacidada Somalia oo dhinac ah
Inta la xaqiiqsan yahay waxaa dagaalka ku dhintay 11-Ruux oo siyaabo kala duwan ay u haleeshay madaafiicda iyo risaasta ay Dhinacyada is weydaarsanaayen halka in kabadan 15-Ruuxna uu kasoo gaaray dhaawac culus iyo mid fudud
Si kastaba ha ahaatee dagaalka iska hor imaadka ayaa imaaday xili Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay maalintii shalay si rasmi ah ula wareegen Deeganka Leego waxaana socda weeraro kudhufoo ka dhaqaaq ah oo ay wadaan Alshabaabka