Ciidanka Kenya oo maanta ka guuraya xarunta Jaamacadda Kismaayo. WARBIXIN
Wararka ka imaanaya magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidanka militeriga ee dowladda Kenya ay isaga guurayaan xarunta Jaamacadda ee ku taalla magaaladaasi.
Dad deegaanka ayaa warbaahinta magaaladda Muqdisho u sheegay in saaka ay arkayeen ciidamada Kenya oo wata gaadiidka dagaalka ay isaga guurayaan xaruta Jaamacadda Kismaayo oo ay horey u degaan tan iyo markii ciidana huwanta ay qabsadeen Kismaayo.
Wararka ayaa sheegaya in ka guuritaanka ciidanka Kenya ee Jaamacadda Kismaayo ay timid ka gadaal markii ay kulamo la yeesheen odayaasha iyo waxgaradka magaalada, kuwaasi oo isla meel dhigay in Jaamacadda ay iminka dhigtaan ardey.
Sidoo kale, ka bixitaanka ciidanka militeriga ee dalka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay qaar ka mid ah maamulka Jaamacadda Kismaayo, waxayna sheegeen in xilliga ay Jaamacaddu wax ku bartaan ardey aad u tira badan ayna muhiim tahay in saldhig ciidan ay noqon Karin.
Ciidamada dowladda Kenya ayaa magaalada Kismaayo ka xarumo ka dhigtay goobaha aadka u muhiimka ah, waxaa ka mid ah goobaha ugu muhiimsan Airport-ka, Dekedda iyo xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ay iminka ka baxayaan.
Waxbarashada iskuullada magaalada Kismaayo ayaa saameeyay dagaalladii ka dhacay magaalada iyo nawaaxigeeda, iyadoo si gaar ah uu u saameeyay waxbarashada Jaamacadda Kismaayo oo ay dhigtaan arday aad u tira badan, walow iminka ay si habsami leh ay u socoto.