Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
      
|
Abaabulo kadhan ah Baardheere iyo Buurdhuubo oo Gedo ka socda |
|
Wararka naga soo gaaraya qeybo kamid ah gobolka Gedo ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in ay halkaas ka jiraan abaabulo dagaal oo kadhan ah Shabaab.
Afhayeenka ururka Ahlu sunna gobolada Koofureed Sheikh Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa usheegay qaar kamid ah saxaafada in ay soo dhameeyeen qorshe lagu weerarayo Shabaab.
“Waxaan wadnaa qorshihii ugu danbeeyay ee aan weerar ugu qaadayno kooxaha nabad diidka ah ee gobolka kusugan, waxaana ciidamadeena iyo kuwa dowlada ay dhawaan weerari doonaan Baardheere iyo Buurdhuubo”ayuu sheegay Sargaalkan uhadlay Ahlu Sunna Waljamaaca.
Afhayeenka ayaa sheegay in hada ay bur burtay awoodii Al-Shabaab isla markaana aysan difaaci karin deegaanadda ay ka joogaan Gedo.
Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ayaa kusugan Gedo kuwaas oo iyagana qeyb ka ah duulaanka kadhanka ah Al-Shabaab. |
|