Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
      
|
Askar katirsan ciidamada dowlada oo si bareer ah loogu toogtay Shalaanbood |
|
Kooxo hubaysan ayaa gudaha degmada Shalaanbood ee gobolka Sh/Hoose ku toogtay askar katirsan ciidamada dowlada Soomaaliya.
Askartan ayaa lagu dilay maqaayad ay ka shaaheynayeen oo kutaalay bartamaha magaaladda.
Dad kusugan Shalaanbood ayaa sheegay in ragaan dilkooda loo adeegsaday Aalada Bastoolada, waxaana markii ladilay laga qaatay hubkii ay wateen.
Kooxdii dilka gaysatay ayaa goobta isaga baxaday, waxaana soo gaaray ciidamo kale oo katirsan dowlada Soomaaliay.
Ciidamada ayaa meydka ka qaaday goobta, waxaana ay wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii weerarkaas dilka ah gaystay.
Dilalka sidaan oo kala ah ayaa kubadan degaanada ay ciidamada dowlada kaga sugan yihiin goboladda dalka gaar ahaan kuwii ay dhawaan Shabaab kala wareegeen. |
|