(DAAWO VIDEO) Wariyaasha Ka Hawlgala Gudaha Magaalada Buuhoodle Oo Cambaareeyey Falkii Dilka Ahaa Ee Loogu Gaystay Magaalada Laascaanood Wariye Axmed Saakin Faarax
Kulan ay maanta iskugu yimaadeen wariyaasha ka hawlgala warbaahinta qaybaheeda kala duwan ee ku sugan Magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay ku cambaareeyeen falkii toogashada ahaa ee habeenimadii xalay ahayd loogu gaystay gudaha Magaalada Laascaanood wariye Axmed Saakin Faarax oo ka hawlgali jiray Tv-ga Universal, iyagoona wariyaashani tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday allaha ha u naxariistee wariye Axmed Saaki Faarax waxa ayna ugu dambayntii ugu baaqeen wariyaashani Maamulka Somaliland ee haatan ka arimiya Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool in ay gacanta kusoo dhigaan cidii ka dambaysay falkaasi.
Hada wariyaashani maanta kulanka ku yeeshay Magaalada Buuhoodle oo dareen ahaan aad ugu xun dilka loo gaystay wariye Axmed Saakin Faarax ayaa waxa ay halkaasi kasoo jeediyeen hadalo kala duwan kuwaas oo ay dhamaantood ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin falka lagula kacay wariye Axmed Saakin Faarax oo kamid ahaa wariyaasha ugu fir fircoo war fidiyeenada ka hawlgala gudaha Magaalada Laascaanood.
Waa markii ugu horaysay ee wariye ka hawlgala warbaahinta madaxa banaan ee ku sugan Deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn loogu gaysto Deegaanadaasi fal toogasho ah.