MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Patrice Evra Oo Laga Yaabo Inuu Kulanka Sabtida Keyd U Galo Ciyaaryahanka Cusub Alexander Buttner.
Patrice Evra ayaa laga yaabaa in isbuuc dhamaadka uu wajaho inuu fariisto kursiga keydka, sida ay ogaatay Daily Mirror.

Evra, oo ah dooqa koowaad ee booska daafaca bidix muddo sannado ah, ayaa laga yaabaa inuu sabtida isku arko kursiga keydka kulanka ay Wigan booqaneyso Old Trafford.

Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inuu Alexander Buttner, oo 3.9 milyan ginni ay xagaagii ka soo bixiyeen inuu ciyaarsiiyo kulankiisii ugu horeysay.

Evra oo u muuqday mid aan qalqal uu ku jiro kulankii ay 3-2 kaga badiyeen Southampton ka hor inta aan aadin ciyaaraha caalamiga, ayaa noqon doona ninka booska u baneyn doona.



Ferguson ayaa soo iibsaday Buttner si uu cadaadis u saaro 31 jirkaan reer France, kaasoo booskiisa daafaca bidix uusan tartan kala kulmin muddo lix xilli ciyaareed ah.

Tababaraha United oo ku sugnaa New York isniintii si uu u daawado ciyaaryahanka kubada Tennis-ka ee ay isku wadanka yihiin Any Murray kaasoo ku guuleystay koobka US Open, ayaan sidoo kale weli go’aan ka gaarin cida uu ku soo bilaabi doono goolka.

David de Gea ayaa keyd la geliyay kulankii Southampton ka dib markii uu qalad sameeyay kulankii Fulham ay si ciriiri ah kaga badiyeen 3-2.

Lakiin Fergie ayaa qirtay in ciyaaryahankii uu ku bedelay Anders Lindegaard, inuu u muuqday mid walwal qaba ciyaartii Southampton.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,526,808 unique visits Top