SHABAAB
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada Soomaaliya
Saraakiisha Ciidanka Dowlada Soomaaliya ee Gobolada Jubooyinka ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Raaskanbooni ay isku soo dhiibeen dagaalyahano katirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Ismaaciil Saxardiid Taliyaha Ciidamada Dowlada ee Gobolka Jubooyinka kuna sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay xalay ilaa shalay in Ciidamadooda isku soo dhiibeen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo siyaabo kala duwan isku soo dhiibay.

Taliyuhu waxa uu sheegay in hada Raga isku soo dhiibay gaarayaaan 20-Nin sidoo kalana jirana kuwa kale oo xariiro lasoo sameeyay oo damacsan in dhinaca Dowlada iyo ciidamada Raaskanbooni ee Kismaayo kusugan isku soo dhiibaan.

Ismaaciil Saxardiid ayaa ugu baaqay Dagaalyahanada katirsan AL-Shabaab ee ku dhuumaaleesanaya Magaalada Kismaayo iyo kuwa kale ee kusugan Jubooyinka in ay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowlada kana haraan falalka dagaalada iyo arbushaada sida uu sheegay.

Warkan kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Jubiiyinka kusugan kama aysan hadlin dhinaca Al-Shabaab ,mana jiraan ilo kale oo kamadax banaan Saraakiisha Dowlada oo warkan xaqiijinaya.
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,958,904 unique visits Top