MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
MAXAAN KU XASUUSANAA XUKUUMADII TAYO ?
21-kii sano ee Soomaaliya, waxaa lagu xasuustaa dagaalo sokeeye oo sanka isku haayey iyo dowlado KMG ah 95% aan laheyn wax tayo ah, hase ahaatee markii aan dib u milicsano dowladdii ugu dambeysay ee KMG waxa ay dad badan ku tilmaameen inay tahay tii ugu tayo sareysay taasoo ay ku sheegeen in ay u muuqatay mid shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan dadweynaha Muqdisho ka saartay bohoshii dheereed oo xitaa ay ka ashahaateen kuwa wax qarbuda ee aan marna u aaba yeelin nolosha Bini’aadamka. Haddii mid mid u soo qaadano Dowladdii Shiikh Shariif uu madaxweynaha ka ahaa, waxay mudan tahay in shacbiga Soomaaliyeed u dibad baxo oo uu ku amaano dadaalkii iyo daacadnimadii ay wax ugu qabatay shacbiga Soomaaliyeed. Sheekada maahan hadda in laga badbadinayo ama ay ka dambeyso siyaasad kale, hase ahaatee ujeedadu waxay tahay in la xuso oo taariikhdu xusto cid kastoo wadankaan wax usoo qabatay, laakiin arrintaa aan ka hadleyno waxay tahay 6-dii bilood oo uu Ra’iisul wasaaraha ka ahaa Maxamed C/laahi Farmaajo,
Waxay dadku aad u hadal haayaan maskaxdooduna ay ka go’I la’adahay doorkii uu ka qaatay soo celinta nabadda iyo amaanka, maxaa yeelay waa labo qodob oo muhiim, sababtoo ah Nabiyullaahi Ibraahim markii uu u duceenaayey Makko waxa uu ku bilaabay Ilaahoow ka dhig dhul ammaan ah, taas micnaheedu waxay tahay aasaaska nolosha iyo horumarka, Dowladdii tayana waxa ay nafta kusoo celisay shacabkii soomaaliyeed ee qadyaanka ka joogay wixii ka dhacaayey dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, lixdaas bilood ka hor Muqdisho waxaa aad u adkeyd in dadku uu is dhex qaado, waxaa kaloo meeshaba ka saarneyd in nolol caadi ah dadku kuwada noolaadaan, 40% waxaa dadka Muqdisho dilay Madaafiic habow ah, rasaas wiifto ah iyo dilal kas ah, waxaas oo dhan waxaa xaaqay xukuumadii Tayo.


Maxaan ula jeednaa Tayo?


Maahan Surweel qurux badan ama ganacsi horumar sameeyey, laakiin waxaan ula jeednaa xukuumadii berigaas jirtay qaabkii ay u sheqeyn jirtay, waxay aheyd xukuumad isku xiran oo 85% usoo jeeday inay wax qabato waxna dhisto, yaa kamid ahaa: Tusaale haddii aan usoo qaadano wasiirkii Gaashaandhigga Abdixakiim Xaaji Fiqi wuxuu ahaa wasiirka kaliya ee muujiyey geesinimo aan caadi aheyn, wuxuu ahaa wasiir had iyo jeer la nool ciidamadiisa, wuxuu kaloo ahaa wasiirkii ugu horeeyey ee gaara degmooyinka Doolow iyo Buula Xaawo oo aan ognahay inay halkaas ka jireen dagaalo aad u qaraar, waxaan kaloo aad u hasuusanaa wasiirkii Arrimaha Gudaha Allah u naxariistee Cabdishakuur Sh. Xasan Faarax, kaasoo ay adag tahay in Miithaalkiisa uu u dhasho ummadda Soomaaliyeed, wuxuu ahaa wasiir arrimo gudaheed kii ugu hal abuur badnaa, ugu daacadsanaa, ma aheyn wasiir war badan laakiin wuxuu ahaa wasiir shaqo badan, waxaa kaloo mudan inaan xusno Wasiirkii Warfaafinta C/kariin Xasan Jaamac, kaasoo isbadal badan ku sameeyey heykalka wasaaradda Warfaafinta, wuxuu dib usoo nooleeyey wargeyskii dalka oo uu ku bixin jiray lacag aad u badan isagoo todobaadkiiba mar soo bixi jiray, laguna daabici jiray magaalada Nairobi, wuxuu kaloo hawada kusoo celiyey 21 sano kadib TV-ga qaranka Soomaaliyeed, wuxuu dib u dhis ku sameeyey qeyb badan oo kamid ah wasaaradda Warfaafinta oo burbursanaa, Maamulkii ayuu wax badan ka qabtay, mushaarkii shaqaalaha ayuu joogteeyey. Hase ahaatee Tayo waxay aheyd midaas, markaan dib u xasuustaba waxaa igu soo dhacaayo Madaxweyne Shiikh Shariif Sh. Axmed, wuxuu ahaa madaxweyne dulqaad badan, wuxuu la qabsaday xaaladdii adkeed ee haddana dhooqada badneyd, wuxuu ku adkeystay inuu wax ka qabto xaaladii qalafsaneyd ee wadanka ka jiray, inkastoo uu dib u dhac ku sameeyey Ra’iisul-Wasaarihii ugu horeeyey oo uu soo magacaabay, wuxuuna dib isaga qabtay markii uu xilka ka qaaday uuna soo magacaabay Ra’iisul Wasaare cusub, wuxuu ahaa madaxweyne aan daalin oo had iyo jeer aad u badiya la tashiga, wuxuu lahaa lataliyaal dhinacyadiisa taagnaa, wuxuu ahaa madaxweyne aan ka daaleen had iyo jeer inuu kormeero xaaladda Ciidamada, hase ahaatee wuxuu door muhiim ah ka cayaaray xiriirka gudaha iyo dibadda, wuxuuna guuleysay markii uu dib usoo nooleeyey xiriirkii Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo markii uu xilkaan qabanaayey shuruud kaga dhigay in Itoobiya ay dalka ka baxdo, taasoo ka dambeysay siyaasad kale, hase ahaaatee markii uu xiriirkaas dib usoo nooleeyey ciidamadii Itoobiya wadanka dib ayey ugu soo laabteen, Madaxweyne Sh. Shariif dad badan waxay ku tilmaameen markii xilka ka dagaayey aabihii ummadda, taasoo ay ka wadeen geesinamadiisii iyo sidii uu wax uga qabtay xaaladihii isbadaleeyey ee dalka. Waxaa in la xuso mudan qiimihii iyo qadarantii ay dowladdaas u yeeshay dalka oo dhan, maxaa yeelay waxay markii ugu horeysay suurta gelisay inuu dalka ka dhaco tartankii doorashada Madaxweynimo ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa xusid mudan oo door muhiim ah ka qaatay nabadda iyo amaanka guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Mudane Maxamuud Xuseen Maalin Muungaab, wuxuu si dhab u oogay cadaaladda, dadka wax indha-indheeyo waxay muungaab ku tilmaameen inuu yahay geesiga Garsoorka, taasoo sabab u noqotay in laga nasto dad badan oo qaswadayaal ah, ma eego Qabiil, saaxiib, Qaraabo wuxuu indhaha ku tolaa xaqa iyo cadaaladda. Haddaba ma dhici kartaa mise la filayaa dowladdaan cusub ee aan aheyn dowlad KMG ee nasiibka u yeelatay inay noqoto dowlad rasmi ah in ku sifoowdo tallaabooyinkii ay ku sifowday dowladdii Tayo ama wax ka sareeya?

Waxaa qoray Maxamed Axmed Siyaad (black)
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,569,904 unique visits Top