Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
      
|
Raisul wasaaraha oo farqaha looga dhaganyahay iyo Villa Somalia oo kulan ka socda |
|
Beelaha kasoo jeeda Somalia ayaa farqaha uga dhagan Raisul wasaaraha Somalia oo isagu doonaya inuu Golaha wasiirada uu ka dhex-doorto Xizbiga talada dalka haya halka ay Beelaha Soomaalida iyaguna ay ka doonayan inay iyaga soo xushan
Raisul wasaare Shirdoon ayaa isagu hishiis hoose la galay Xisbiga Horumarka iyo Nabadda oo iminka haya talada dalka waxa uuna doonaya Raisul wasaaraha inuu Xisbigaasi kala soo dhex baxo Golaha wasiirada islamarkaana u eego dhan beeledyo ah hayeeshe waxaa arintaasi is hortaagaya Odayaasha beelaha Soomaalida oo iyagu riixaya ganacsato iyo masuuliyiin qurbaha ka imaaday
Si kastaba ha ahaatee waxaa iminka Kulan ka socdaa Villa Somalia kulankasoo looga arinsanaayo xulashada Golaha wasiirada oo ilaa iyo iminka aan si rasmi ah loogu dhawaaqin . |
|