XOG MUHIIM AH : Madaxweyne Xasan Sheikh oo tilaabadi ugu horeysay uu qaday ku soo jiitay Shacbiyad badan
Madaxaweyanaha Cusub ee Dowlada Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa u isla xalay marki lagu soo kala dareeray holki Shirarka Dalbaday in uu kulan la qaato R/wasaarihi Shacbiyada badana ee Farmaajo.
Daal badan oo jiray iyo xiliga oo waqti danbe ahaa ayaa waxaay sura galinwaday in labadaasi masuul Kulmaan xalay balse waxaay balameen sakay.
Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo ayaa saaka ku boqday Hotelka uu dagan yahay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamed si ay uga wada hadlaan sababta uu Madaxweyne Xasan Sheikh u casuumay Farmaajo.
Mid ka mid ah Gacanyareyaasha Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Shabakada Warbaahinta u soo dusiyay in Madaxweyne Xasan Sheikh asago qadarinayaa Dareenka Shacabka uu ka codsaday Farmaajo in uu la Shaqeeyo Dowlada Madaxweyne Xasan Sheikh Maadaama Shacabka Somaliyeed ay aad u taagersanyihiin isla markaana uu leyahay qibrad hogamineed oo aad u sareysa.
Xiriro kale duwaan oo aan la samaynay masuliyiin aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxaay ino xaqijiyeen in Madaxweyne Xasan Sheikh ay ku wayntahay qadarinta dareenka Shacabka Somaliyeed sida daraadeedna uu go,ansaday in R/wasaarihi hore ee Somalia Dr Maxamed Cabdilahi Farmaajo u magacaabo R/wasaaraha Cusub ee Somalia.
Dhinaca Kale Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxaa culusyo siyaasadeed ay ka soo foodsareen dhanka Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole oo asagu Madaxweyne Xasan Sheikh uga digay in uu R/wasaare u magacaabo cid aan ka soo jeedin Beesha Majeerteen.
Sido kale waxaa manta Xafiska Madaxweynaha ku dul wareganayay R/wasaarihi hore ee Somalia Dr Cabdiweli Cali Gaas oo asagu si weyn uga xumaday in Madaxweyne Xasan uu kulankisi kowaad la yeesho Farmaajo oo siyaadad ay ku colobeen.
Hadaba Shacabka Somaliyeed ayaa waxaay si kal iyo laab ah u soo dhaweyeen talaabadi kowaad ee uu qaday Madaxweyne Xasan Sheikh waxaayna ugu baqeen in usan ka labo labeyn go,anka uu qatay oo ah mid taarikhi ah islamarkana soo celinaya Rajaadi Ummada Somaliyeed.