Alshabaab oo goobaha ay kataliyan ka mamnuucay Gooraca xoolaha
Warar horu dhac ah oo naga soo gaaraya dhanka Saraakiisha Alshabaab ayaa sheegaya in Xarakada Sanadaani ay ka mamnuucday Goobaha ay ka taliso Gooraca xoolaha Eid adxa ee maalmaha naga xiga
Sheikh C/llahi nuur Abuu quteybah ayaa sheegay in Sanadkaani goobaha ay kataliyaan ay ka mamnuucen Gooraca xoolaha Eida sababa jira owgeed
Sheikh C/llahi waxa uu sheegay inay ku jiraan xili kala guur ah islamarkaana dadweynaha loo bahanyahay in laga saxo qaabka loo gooraco xoolaha wallow inta badan ay xoolaha u gooracan qaab aan loogu tala galin hadana waxaa jira ayuu yiri dadaalo dheerad ah oo ay arintaasi ku bixiso Alshabaab, Sidaa waxaa yiri Sh/C/llahi
Si kastaba ha ahaatee Alshabaab ayaa amar kusoo rogay goobaha ay ka amriyaan islamarkaana dadka degan ku wargaliyay inay joojiyaan gooraca xoolaha