MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Maamul Goboledyada ka jira dalka oo si weyn utaageeray Madaxweynaha cusub “Warbixin”
Maamulada ka jira Soomaaliya ayaa si aad u soo dhoweeyay Doorashada Shalay ka qabsoomtay Magaalada Muqdisho iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay haatan yeelatay.

Maamulka dowladda Somaliland ayaa sheegtay in Somaliland ay u soo dhoweeyneyso doorashada 42 sano kadib ka dhacday magaalada Muqdisho, islamar ahaantaana lagu soo xushtay Madaxweyne Federaali ah oo Soomaaliya hogaamiya.

Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Maxamed Abdillahi Omar ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC u sheegay in markii ugu horeeysay ay soo dhoweynayaan doorashada Muqdisho ka dhacday iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland ayaa iska fogeeyay in Maamulkiisu uu taageerayay musharrax Gaar ah, isagoo meesha ka saaray in S/land ay ku faraxsan tahay Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ku faraxsan yihiin.



Warmurtiyeed kasoo baxay Xafiiska Maamulka Galmudug ayaa lagu qeexay in Maamul Goboleedka Galmudug State uu aqbalay doorashada dhacday, waxa uuna maamulka uu u rajeeyay madaxweynaha wax qabsi dalka ah.

Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb oo duhurnimadii maanta la hadlaayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa qiray in Ximin&Xeeb ay la shaqeen doonto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.

Ugu dambeyntiina Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaa doorashada Xamar ka dhacday waxa ay ku tilmaameen doorasho ku timid rabitaanka iyo masiirka umadda Soomaaliyeed.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,536,306 unique visits Top