URURADII SOMALIWEEK IYO SERIA A OO LAGU KALA TEGAY “I TOLD YOU SO”
Habeenkii Wembley laysugu tegay ee lays dhundhukadey isla markaana la yiri wixii hada ka bilowda midnimo ayaa imaneysa waxaana bilaaban doona weji cusub is jeceyl iyo wada shaqeyn, nin oday ah oo i ag fadhiyey ayaa ka dhawaajiyey erey ingiriis ah oo soo galootida ku cusub UK aan aqoon wuxuu yiri “IT WILL END UP IN TEARS” oo hadii la macneeyo ah “SHEEKADAN OOHIN AYEY KU DAMBEYN DOONTAA”.
Markaa sidey wax u dhaceen? shabakada SSPAMEDIA si fiican ayey ula socotay xaalka meesha uu marayo laga soo bilaabo habeenkii laqgu heshiiyey in aan la heshiin kaasoo rag SERIA A ah xitaa loo ogolaan in ay mikrofonka ka hadlaan iyadoo xilalkii lagu wareejiyey asxaabta qun yar socodka ee WEST kaasoo ay bilaabatey is aaminid la’aan iyo in cadowtooyo weyn meesha ay ka bilaabato.
Ragii ka hadley waxay yiraahdeen caawa waa mid farxad weyn u ah isboortiga Somaliya ee UK – waayo dhibaatooyinkii waa la soo af jaray hada wxii ka bilowdana cayaaraha isku meel ayaa lagu qaban doonaa wixii la soo mareyna dib loogu laaban maayo.
Ilaahoow nin aan wax ogayn ha cadaabin – isla xiligaa waxaa la doortey shaqsi kubada k0olayga ka cayaari jiray Somalia,taasoo keentay in uu is aaminid la’aan iyo is qabqabsi uu bilowdo.
Cid walba oo wax garad ah wey ogayd Somaliweek iyo Seria A oo isu taga si wanaag iyo waxqabad ahna isula shaqeeya aysan dhici karin – taasoo ay keentay in dad si shaqsiyad ah isaga soo horjeeda ay labada ururba ku jiraan – iyagoo mar walba doonaya in carqalad aan dhamaan ay soo dhex geliyaan bahda isboortiga ee UK.
Ilaa iyo hada waxaa la garan la’yahay sababta keentay in Abdiraxiin Cali Diiriye oo ahaa dhisihii Somaliweek isla markaana degan macalina u ah kooxda Wembley la yiraahdo kama qeyb geli kartid iyadoo sabab looga dhigay in shaqsiyo Somaliweek xubin ka ah ay neceb yihiin.
Maah-maah Somali ah ayaa tiri “LABADII XAQ DARRO KU HESHIISA, XAQQA AYEY KU DIRIRTAA” Somaliweek iyo Seria A xaq daro ayey ku heshiiyeen taasoo ah lagama hadlin qaabka iyo ajendaha ururka isu tegay,iyadoo mashruucii lagu maamuli lahaa ururadan aan lagu heshiin isla markaana laga taxaderin dhibaatooyinka ka hor imaan kara ayaa xaflad lagu dhigtey WEST LONDON,iyagoo yiri waan is cafiney waan is jecelnahay isboorti baan isla nahay waxaan dooneynaa in aan hal qura aan noqono.
Magaalada London hadii aad eegtid waxaa ka dhisan ururo isboorti aad u farabadan, % 5 ayaa si daacad ah u shaqeysta kuwa kale waxaa loo dhisay in looga hor tago ama lagu dhibo dadka kale kuwa kale xoolo raadis ayaa loo dhisay.
Waxaa soo baxay shaqsiyo xishoodkii ka tegay oo gaarey heer ay soo istaagaan goobaha xafladaha siyaasada lagu qabto iyagoo doonaya in title aysan laheeyn ku hadlaan isla markaan qas iyo waxaan loo baahneyn meelahaas la yimaadaan.
Waa maxay mustaqbalka Somaliweek iyo Seria A? mustaqbal ma leh hadii ay is yiraahdeen ku daysada SWEDEN sheekadii wey socon weyday waayo SWEDEN waxa degan dad caqli iyo wanaag uu weli ku dambeeyo.
Yaa ka mas’uul ah in lagu kala tago Somaliwwek iyo Seria A? cid walba oo xubin ka ah labada urur ayaa ka dambeeya buruburkan weyn in uu yimaado.
Waxaa u dhaanta in ay ku laabtaan sidii ay ahaan jireen,isla markaana hore ka bilaabaan musalsalka naceybka isboortiga UK.
Dhamaantiin cid aad ROLE MODEL u tihiin ma leh,idinka iyo kuwa isbaarada u taala Somalia waxaad ku kala duwan tihiin idinkoo ka baqa sharciga UK.
U daaya jiilka cusub iyo dhalinyarada Somaliyeed ee dooneysa in ay wax qabtaan isboortigan aad dhiiga ku daadiseen, isla weynida iyo anigaa kaa fiican waxaa looga soo tegay Somalia.
Mar dhow waxaa bilaaban doono eedihii ahaa Somaliweek ayaa qaladka leh iyo Seria A ayaa gardaran – waxaan soo xusuustey maahmaahdii ingiriiska ee “POT CALLING THE KETTLE BLACK” oo hadii la af -Soamliyeeyo u eg “DIGSI UGU YEERAYA JELMAD MADOOW”
Qore: Mr L Roone : la xiriir SSPAMEDIA mrsomalia@hotmail.co.uk