Xukuumadda Turkiga ayaa dhaqan galisay Hishiiskii ay la gashay xukuumadii hore ee Somalia waxa ayna iminka tababaro u qaaday in kabadan 150 Ruux soomaali ah oo isugu jira rag iyo Dumar
Kuwa tababarada loogu furay Gudaha dalka Turkia ayaa isugu jira kuwa lagu qaaday ardaynimo halka kuwa kale lagala tashtay inay noqonaayan Ciidan
Turkiga ayaa xiligaani xoojinaaya Xiriirka Xukuumadda Somalia waxa ayna dar-dar galineysaa Tababarada ay siineyso Dhalinyarada Soomaalida ee gudaha dalkeeda ku dhaqan iyo waliba kuwa laga waday Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Somalia
Ugu danbeyntii Raga iyo dumarka loo tababaraayo Ciidanimada ayaa lagu wadaa inay soo qaadan doonaan Tababaro kooban oo ay ku difaaci karaan naftooda iyo howlaha degdegta ah sida dilalka iyo dhaca Dadka keysta oo ay kaga hortagaan tababaradaasi