Rag Kufsaday Gabdho aan qaan gaarin iyo Haweenay Waalan oo Xabsi Daa’in iyo Mudo dheer lagu xakumay Magaaladda Wajeer “Warbixin”
Maxkamad kutaal Magaaladda Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ayaa maanta waxaa ay xukun udhexeeya xabsi daa’in, 20 sanno ilaa 10 sano ku kalaridday 3 nin kuwaas oo ay kucadaatay dambi kufsi iyo waliba iskuday kufsi ah.
Abdi Kivuley ayaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii ay cadaatay in uu kukufsadhay gabar yar oo 3 iyo bar sano jir ah 5tii bishii April ee sanadkan xaafadda Dahan ee tuulada Taakaaba ee galbeedka Mandera.
Sidoo kale Waxaa laxakumay Suurow Omar Arale isagoo mutaysan doona xabsi dhan 10 sanno waxaana ku cadaaday danbi ah in uu xaafadda Barwaqo ee degmadha Wajeer ku kufsadhay haweeney maskaxdha looga jira 18-kii August isla sanadkan.
Waxaa kale 20 sano lagu xakumay Issack Ali Issack kadib markii uu kufsaday gabar yar oo 14sanno jir ah deegaanka Wargaduud ee bartamaha degmadha Mandera.
Garsooraha maxkamadda magaaladha Wajeer Linus Kassan oo ayaa sheegay in dhamaan ragaan ay mutaysan doonaan xabsigooda oo dhamaystiran.
Sidoo kale Garsooraha ayaa sheegay in gudaha gobolka Waqooyi Bari ay kusii badanayaan falalka kufsiga ah ee loo gaysanaya Gabdho da’yar iyo kuwa kale.