Mid kamid Ragii ay Booliska Kenya soo bandhigeen Sawiradooda oo Ciidamada amaanka Isku dhiibay
Wararka naga soo gaaraya gudaha dalka Kenya ayaa sheegaya in maanta uu ciidamada amaanka Kenya isku so dhiibay mid kamid ah afartii nin ee ay booliska Kenya soo bandhigeen Sawiradooda.
Ninka isku soo dhiibay ciidamada ayaa waxaa lagu magacaabaa Omondi oo ah nin kamid ahaa rag ay booliska si wayn u baadigoobayeen isla markaana lalal xariirinayay weeraro argaxiso oo ka dhacay Magaalooyinka Mombaas iyo Nairobi.
Ciidamadda booliska la dagaalanka Argagaxisada ayaa su’aalo weydiin kuwada Ninkan looga shakisan yahay inuu ka danbeeyay fal danbiyeedyo ku aadan weeraro ka dhacay Magaalooyin katirsan gudaha Kenya.
Warar kale oo aan Goordhow helnay ayaa sheegaya in Ninkan hada loo soo gudbiyay magaalada Nairobi si baaritaan dheeraad ah logu sameeyo.
Ilaa sedex kale oo kamid ah Raga laga shakisan yahay ayaa wali ay baadi goobgayaan ciidamada amaanka Kenya kuwaas oo ku eedeysan in ay xariir la leeyihiin Shabaab.