Magaalo Ku Taala Dalka Britain Oo Samaysatay Lacag U Gaar Ah [Local Currency]
Magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska oo ah magaalada sideedaad ee dalkaas ugu dadka badan, ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday lacag cusub oo ay yeelan doonto taas oo ka dhaqan gali doonta magaaladaas dadka ku noolina si caadiya ay wax ugu iibsan doonaan.
Magaaladani waxa ay laga bilaabo markii lacageeda u gaar ah ee lagu magacaabo Pound-ka Bristol ku biiri doonta ama buuxin doonta liiska magaalooyinka waaweyn ee lacagta u gaarka ah leh oo ay ka dhigtay 2500 oo magaalo kuwaas oo ku filiqdan daafaha dunida oo dhan.
Sida warka shaacinta lacagtan cusub ee magaalada Bristol lagu sheegay waxa dad waynaha ku dhaqan magaaladaas oo tiradoodu gaadhayso afar boqol oo kun oo qof loo daabacay lacagta cusub ee magaaladooda oo suuqyada si siman ay uga wada shaqayn doonaan, lacagta dalkaas ee Sterling-ka ah, taas oo sarifkeeduna noqon doono halkii giniba hal gini oo lacagta magaaladan ah.
Maamulka magaalada Bristol ayaa sheegay in la soo daabacay boqol iyo shan iyo laabatan kun oo lacagtooda cusub ah, taas oo loo qaybin doono ama loo badali doono dadka ku dhaqan magaalada, waxa kale oo uu maamulku sheegay in sadex boqol oo shirkadood oo magaaladooda ka jiraa ogolaadeen isticmaalka iyo qaadashada lacagtan cusub.
Noocyada noodhka ee lacagtan cusub ee Bristol Local Currency ayaa ka kooban ilaa afar nooc oo kala ah hal Pound shan Pound, toban Pound iyo labaatan Pound, waxaana lagu qaadan doonaa ama laga isticmaali doonaa dhamaan magaalada oo dhan iyo degaanada hoos taga sida la sheegay, taas oo dadka ku dhaqan magaaladana lagu boorinayo inay si buuxda u isticmaalaan, wax ku kala iibsadaan waxna ku iibshaan si ay ugu badbaado dakhligooda iyo lacagtooda kaydka u ahi sida lagu sheegay bayaano fariimo ahaan loogu kala diray.
Dadka hindisay lacagtan cusub ee magaaladani yeelanayso oo u badan dadka mutadawiciinta iyo aqoonyahanada magaalada ayaa ku doodaya in magaaladaasi, horumar badan iyo barwaaqo ku wayday lacagta Istaraliinta ah ee dalka Ingiriiska isla markaana aan looga faa?iidayn mashaariico tiro badan oo ay u baahnaayeen dadka ku dhaqan magaaladu.
Sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen dadka ku dhaqan magaaladan gaar ahaan, kooxaha dabada ka riixaya lacagtan cusub ayaa telefoonada gacanta ku baahiyay qoraalo fariimo ah oo ay dadka ugu sheegayaan, in lacagta cusub ee maxaliga ah ay isticmaalaan si magaaladoodu u hesho ama ugu kaydsamo dhaqaale tira badan oo kaga lumi jiray, lacagta Pound Sterling-ta ah ee dalka Ingiriiska oo dhan laga isticmaalo.
Dad badan ayaa su?aal ka keenay sababta ay magaalo u samaysanayso lacag cusub iyada oo lacagtu tahay waxyaabaha qaranimada iyo wada jirka dalka lagu garan karo, laakiin kooxaha dabada ka wada ayaa ku doodaya in lacagta kaliya ee waddanka ka dhaxaysaa ku keentay magaaladooda dib u dhac dhaqaale, ayna kaga lumeen dakhli tiro badan oo magaaladooda u kaydsami lahaa, sida ay ku doodayaan.