Sidee Wax u Dhaceen: Shariif Xasan miyaa Taakadii uu sheegayay dhigay mase Shariif Axmed ayey si wax ka noqdeen
Guuldaradii Xalay soo gaartay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu micneeyay amaba lagu sifeeyay dhoor qodob oo kala duwan in guuldaradaasi ay horseeday.
Ex Madaxweyne Shariif ayaa Xalay doorashadii dhacday waxa uu wareega Kowaad helay 64 Cod, taasoo dad badan ay sheegeen in Shariif uu ugu cad cad yahay jagada madaxtinimada Soomaaliya.
Lakin Shariif Sheekh Axmed oo isku haleynaayay inuu helo Codad badan oo ka balan qaaday Shariif Xasan ayaa la waayay halkii ay mareen codadkaas, xilli KAAMIRADA laga arkay Shariif Xasan oo ku qoslaaya natiijo xumada Shariif.
Maalin ka hor inta aysan dhicin doorashada ayaa waxaa kulan albaabada u xiran yihiin yeeshay Shariif Axmed iyo Shariif Xasan, taasoo isku dhowaanshiyo labadooda ah la dareemayay.
Shariif Xasan wuxuu u balan qaaday dhiggiisa Sheekh Shariif inuu siin doono wax ka badan Boqolo cod [100 Vote] , balse wareega 3-aad ee doorashada ayuu Shariif Sheekh Axmed ku ogaaday in Shariif Xasan uu fariinka ugu booday.
Hadal dhowaan uu Shariif Xasan ka jeediyay Xaflad uu Shariifka kale ku sugnaa ayaa waxa uu yiri” Saaxiibkey Shariif taako ayuu ii dhigay lakin aniga taako uma dhigaayo”.
Taakada uu sheegayay Shariif Xasan ayaa haatan soo baxday, hase ahaatee waxaa kaloo la leeyahay Sheekh Shariif miyuu isagu is qalday.
Tirada Looga guuleystay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid isaga dabin loo dhigay, iyadoo dabinkaas ay qeyb ka yihiin C/wali Gaas iyo C/qaadir Cali Osoble oo iyagu tanaazulay.