MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Ahlusunna oo Dowlada Ugu Baaqday Saamigooda in la siiyo si kululna u weeraray Dowladii KMG ahayd
Shir Jaraa’id oo Si wada ugu qabteen galabta gudiga Musaalixada Maamulka Culima’udiinka Ahlusunna Wal-jamaaca Magaalada Muqdisho, ayay kaga hadleen xaaladihii ugu danbeeyay iyo is badalka uu dalku galay.

Gudiga Musaalixada iyo dib u heshiisiinta Ahlusunna Wal-jamaaca ayaa ugu horayn hambalyo u diray Madaxda ugu saraysa dalka, Madaxwaynaha Raizul Wasaaraha Gudoonka Baarlamaanka, waxaana ay sheegeen si buuxda inay u garab taagan yihiin dowlada Cusub ee loo dhisay dalka.

Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegtay Dowladii hore ee KMG ahayd inay heshiisyo dhex mareen, isla markaana aan loo fulin sidoodii waxaanay ugu baaqeen dowlada Cusub inay ahlusunna siiso awoodda ay ku leeyihiin Dowlada Cusub.

Cismaan Sheekh Axmed Gudoomiyaha Gudiga Musaalixada Ahlusunna Wal-jamaca ayaa tilmaamay Maamulka Ahlusunna Dowladii hore inay dhibaato u gaysatay isla markaana ay kasoo bixi wayday kaalintii looga baahnaa, sidoo kale wuxuu sheegay baaqyada kasoo yeerayay maamulka ahlusunna in DKMG ahayd iska indha tirtay, waxaana ugu baaqay dowlada Cusub booskaasi inay buuxiso.

Sheekh Cismaan ayaa tibaaxay Ahlusunna in ay dagaalo qaraar lasoo gashay kooxihii Al-shabaab ee kal hore laga saaray qaybo kamid ah dalka, wuxuuna sheegay inay kuwaayeen dagaaladaasi dhalinyaro farabadan oo wax tar u lahayd bulshada Soomaaliyeed.

Cabdi Risaaq Xuseen Sheekh Maxamuud oo isna goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekaynta marxaladihii uu soo maray dalku wuxuuna ugu baaqay dowlada Cusub kaalin muhiim ah inay ka qaadato dib u heshiisiinta.

Sheekha ayaa sheegtay dowlada inay garab taagan yihiin hiil iyo hooba siinayaan isla markaana ay door muhiim ah ka qaadanayaan dib u dhiska dalka iyo marxaladaha is badalka ee looga baahanyahay dowlada Cusub.

Cabdirisaaq ayaa ugu baaqay dowlada Cusub inay siiso kaalintii ay ku lahayd ahlusunna dowlada cusub si heshiisyadii hore loo hir galiyo sida midkii Ahlusunna iyo TFG ay ku gaareen Magaalada Addis Ababa.

Wuxuu tilmaamay sheekh Cabdirisaaq Dowlada Federaalka Soomaaliya in looga baahanyahay ahlusunna inay siiso doorkeeda si aysan u iman mad madow soo kala dhex gala ayaga iyo dowlada Cusub.

Sheekh Cumar Maxamuud (Mahad-alle) isna goobta ka hadlay ayaa sheegay shirka jaraaid inay oga gol lahaayeen heshiisyadii ay ahlusunna la gaartay dowladii hore in la tix galiyo isla markaana lasiiyo kaalintooda.

Sheekh Cumar wuxu sheegay heshiisyadii ay dowladii KMG ahayd la gaareen ahlusunna inay dhigayeen in la siiyo Ahlusunna 5 Wasiir 5Wasiir Xigeen Shan agaasime Guud shan agaasime Waaxeed iyo Shan safiir iyo shan qunsul heshiiskaasi inuu dhigayay sidaas.

Wuxuu sheegay heshiiskasi in lagu dulmay ahlusunna Wal-jamaaca isla markaana looga baahanyahay inay dowlada Cusub siiso waax muhiim ah Ahlusunna Wal-jamaaca maadaama dowladii hore lagu dulmay, waa suu hadalka u dhigee.

Isku soo wada Duuboo hadalkani kasoo yeeray gudiga Musaalixada Maamulka Ahlusunna ayaa imaanaya xili Raizul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr Saacid Faarax garaadlaga sugayo inuu soo dhiso Xukuumad Tayo leh isla markaana kaalin muuqata ay ka qaataan Maamulada ka jira dalka.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,535,925 unique visits Top