Xilkii u horeeyey ee dowladda cusub oo la magacaabay iyo Ra’isul wasaaraha oo sheegay…
Dowladda Soomaaliya ayaa magacawday xilkii ugu horeeyay ee dhismaha dowladda cusub ee Soomaaliya, waxaana Ra’isul wasaare Saacid uu magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’isul wasaaraha, waxaana xilkaasi lagu bedelay agaasimaha xafiiska Ra’isul wasaaraha oo la baabi’iyey magacaasi.
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad lagu magacaabayey xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’isul wasaaraha oo loo magacaabay nin magaciisa lagu sheegay Faarax Cabdi Xasan, kaas oo xilka kala wareegay isla shalay C/shakuur Maxamuud Cilmi, waxaana xafladii xil wareejinta ka hadlay Ra’isul wasaare Shirdoon iyo wasiiru dowladaha xafiiska Ra’isul wasaaraha ee dowladdii xilka ka dhamaaday.
Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’isul wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda asyaa sheegay in shaqaalaha xafiisku ay ku shaqeeyaan duruufo adag, isla markaasna har iyo habeen u taaganyihiin sidii ay u dabooli lahaayeen baahida ka jirta xafiiska, balse haddii loo gudbay dowlad rasmi waxaa lagama maarmaan ah in la dardargeliyo howlihii ka socday xafiiska Ra’isul wasaaraha sababtoo ah waa muraayadda xafiisyada kale ee dowladda ayuu yiri.
Sidoo kale kulanka waxaa ka hadlay agaasimihii hore ee xafiiska oo sheegay inuu ku shaqaynayey duruufo adag isaga iyo shaqaalaha xilli ay dowladda heysatay dhaqaalo xumo ba’an, iyadoo aysan suurta gal ahayn inay helaan bil kasta xuquudooda mushaari, sidaas daraadeed qof kasta waa dareemi kar shaqaaleaan mushaar qaadan dhibka lagala kulmi karo.
Sidoo kale waxaa isna munaasabadda ka hadlay xoghayaha joogtada ah ee xilka la wareegay Farax Cabdi Xassan oo ahaan jiray agaasimaha waaxda gargarka bani’adantinimada ee xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa dhankiis qiray inuu wax badan ka ogyahay sida ay u socdaan howlaha xafiiska iyo dhibaatooyinka qalafsan ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha, wuxuuna xusay in waxbadan uu ka qaban doono arimaha shaqaalaha iyo sidii loo hormarin lahaa xafiiska.
Ugu dambayntii Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Farax Shirdoon Saacid ayaa shaqaalaha mid mid isu barteen isagoo ku amaanay sida sharafta leh oo ay u soo shaqeeyeen, wuxuuna ku booriyey inay sii labo jibaaraan shaqadooda isla markaana uu mudnaanta koowaad sii doono sidii shaqaalaha dowlada ay u heli lahaayeen xuquudooda bil kasta.